4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
Madaxweynaha Koonfurta Sudan oo Ogolaaday inuu Heshiis Nabadeed la saxiixdo Mucaaradka


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan, Salva Kiir ayaa ogolaaday ugu dambeyn inuu heshiis lagu dhameynayo Colaadda Sokeeye ee dalkaas ka socda muddada 20-ka bilood ah la saxiixdo Mucaaradka dalkiisa maanta oo Arbaco ah.

Afhayeenka Madaxtooyada dalkaas, Ateny Wek Ateny ayaa u sheegay Wakaalada wararka AFP inay madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay Maanta oo Arbaco ah imaan doonaan caasimadda Koonfurta Sudan ee Jubba si madaxweyne Salva Kiir uu saxiixo heshiiska nabadeed.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Xukuumadda Juba aysan weli ku Faraxsanayn heshiiska ay dhexdhexaadka ka yihiin dalalka IGAD ku mideysan ee lagu dhameynayo colaadda sokeeye.

“Xukuumaddu weli lama dhacsana qodobbada heshiiska…. Xitaa haddii Kiir uu si Rasmi ah u saxiixo heshiiska,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Koonfurta Suudaan, Ateny.

Hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas, Riek Machar oo horay u ahaa madaxweyne ku xigeen ayaa heshiiskan saxiixay Isniintii lasoo dhaafay, kaasoo qodobbadiisu ay ka mid yihiin in lasoo afjaro colaadaha ka socda dalkaas.

Beesha Caalamka ayaa labada dhinac ee dagaalka Waddankaas uu u dhexeyso ay kusoo Rogayaan horay ugu Wargelisay in ay Cunno-qabteyn kusoo Rogi doonaan haddii ay ku gacan-sayraan heshiiska nabadeed ee colaadda dalkaas lagu soo af-jarayo.

Ateny Wek ayaa Sidoo kale sheegay in Xukuumaddu ay kasoo Hor-jeeddo inay ku jirto gacantooda Gobolka Saliidda hodanka ah kooxaha mucaaradka ah ee kasoo Hor-jeedda, isagoo xusay in heshiiskan uusan yahay mid aan dhameystirnayn.

Dhanka kale, Ilo-wareedyo ka tirsan Urur-goboleedka IGAD ayaa sheegay inuu ka dhici doono Magaalada Juba Maanta oo Arbaco ah saxiixa heshiiskan oo aysan weli saxiixin xukuumadda dalkaas.

Wararka laga helayo IGAD ayaa intaas ku daraya in Hoggaamiyaha Mucaaradka ee dalka Koonfurta Sudan, Riek Machar uusan imaan doonin Juba, Sababo Ammaankiisa la xiriira. Balse ay heshiiska goobjoog ka noqon doonaan RW Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo Madaxa dhexdhexaadinta dhinacyada dalka Koonfurta Suudaan, Seyoum Mesfin.

Ugu  dambeyn, Dagaallada Sokeeye ee ka socda dalka Koonfurta Sudan oo soo billowday bishii December 2013-kii ayaa dhibaatooyin badan ka geystay dalkaas, iyadoo lagu dilay boqollaal qof, kumannaan kalena ay ku barakaceen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya