4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
Kulan looga hadlay Amniga Gobollada Koonfur-galbeed oo ka dhacay Baydhabo (SAWIRRO)


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa ka dhacy kulan ballaaran oo looga hadlayay ammaanka guud ee Goballada Koonfur-galbeed Somalia, kaasoo ay ka Qaybgaleen xubno dhowr ah.

Kulankan ayaa dhexmaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed Somalia; Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Somalia, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, ciidammo ka socda Itoobiya iyo Waxgaradka  Maamulka.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya, Jeneraal Yamani ee Gobolka Bay oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay muhiim tahay kawada Qeybqaadashada Ammanka Guud ee Seddax Gobol, loogana bahan yahay maamulka Koonfur-galbeed

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegey inay diyaar u yihiin inay Tababarro siiyaan dhamaan Ciidamada degmoooyinka maamulka Koonfur-galbeed; kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Malaaqyada iyo Samad-doonnada Koonfur-galbeed.

Waxgaradkii ka Qayb-galay kulanka ayaa iyana sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin ka shaqeynta Amniga Gobollada Koonfur-galbeed Somalia iyo weliba dhiirri-gelinta shacabka deegaanadaasi ku nool.

Ugu dameyn, waxaa kulanka ka hadlay Madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan oo sheegay in Waxgaradka Gobolladan laga doonayo inay keenaan dhallinyaro loo tababaro Ciidamada Amniga, si loo helo amni iyo kala dambeyn.

Shariif Xasan ayaa kula dar-daarmay guud ahaan Shacabka Seddaxaasi Gobol ku nool inay meel uga soo wada-jeestaan cid walba oo Carqalad ku ah Amniga guud ee Gobollada Bay, Bakool iyo Shabellada Hoose.

Hiiraan Online, Baydhabo