4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
Dagaallo Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaano ku dhow degmada Diinsoor


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo Ciidamada Dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobalka Baay, halkaasoo khasaare nafeed uu ka dhashay.

Deegaannaada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa Qiyaastii 30-km u jira Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay, kaddib markii Ciidamada Dowladda Somalia la sheegay inay weerarreen goobo ay ku sugnaayeen Xoogagga Al-shabaab.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dagaallada xooggoodu ay ka dhaceen deegaannnada kala ah; Manaas, Makoon iyo Dhergo, iyadoo dagaalka kaddib la sheegayo in xaaladdu ay deggen tahay.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaa in Dagaalladan oo shalay dhacay ay ku dhinteen in ka badan shan qof oo dhinacyadii Dagaallamay ah, ayna sidoo kale ku Dhawacmeen dad kale oo aan tiradooda la ogeyn.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Bay ayaa u sheegay in ciidamadooda ay u suuro-gashay inay la Wareegaan deegaannaduu lagu dagaalamay, oo ay horay ugu sugnaayeen Xoogagga Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaallada, balse maalmihii ugu dambeeyay ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM waxay Wadeen Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya