4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
Kooxo looga shakiyay Al-shabaab iyo Hub lagu Qabtay Degmada Gaarisa ee Dalka Kenya


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Ciidamada Amniga Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa Gacanta ku dhigay Rag iyo Haween inay ka tirsan yihiin Al-shabaab lagu tuhmay, kuwaasoo la sheegay in lagu qabtay hub.

Madaxa Ammaanka Gobolka Waqooyi-bari-Kenya, Maxamuud Saalax ayaa sheegay in Ciidamada ay soo Qabteen hub isugu jiray Bastoolado, Bam-gacmeedyo iyo sanaadiiq Rasaas ah.

Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu sheegay in dadka la soo qabtay ay Qaarkood kasoo jeedaan dalka Tanzania, halka kuwa kalena ay yihiin Soomaali. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadkan la soo qabtay iyo hubka ay wateen ay doonayeen inay weeraro ka geystaan Magaalada Gaarisa.

Wuxuu kaloo Madaxa Amnigu xusay in soo qabashada kooxahan Al-ashabaab ka tirsan ay ka dambeysay, kaddib markii ay Shacabka Gaarisa ka heleen xogo ku aaddan dadkan iyo hubka ay haysteen.

Ugu dmabeyn, Al-shabaab ayaa horay Weerarro ugu geystay Gobolka Waqooyi-bari-Kenya, iyadoo bishii Abriil ee Sannadkan la weeraray Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay dad ka badan 148–qof oo u badnaa ardaydii Jaamacadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya