4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2015
Shirka Wada-tashiga Puntland oo ka Furmay Gaalkacyo iyo Ergooyin badan oo ka Qayb-galaya (SAWIRRO)


Talaado, Ogoosto 25, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka furay Shirka Wada-tashiga Beelaha Puntland Wajigiisii Koowaad, kaasoo ay ka Qayb-galayaan Ergooyin Matalayay Beelaha Puntland Deggen.

Ujeeddada Shirka ayaa lagu sheegay in ay tahay adkaynta wada jirka Puntland, iyada oo la marayo hirgalinta nidaamka xisbiyada badan ,waxaana xubnaha shirka ka soo qayb-galay laga soo kala xulay gobollada iyo degmooyinka Puntland.

“Qorshihii Puntland ee aheyd markii hore idinku is dhisa, kadibna Soomaali baadi gooba waa lagu guulaystay , waxay dhinaca kale keentay hoos u dhac dhaqaale, taasoo sababtay in Puntland dhumiso deegaanno iyo dad-ba, dadku waxay is-weydiinayaan in dhaqaalaha iyo dadkaa lageeyay Xamar , waxaan qabaa inay sax aheyd sababtoo ah madaxdii Puntland ee markaa joogtay waxaa ay ka duulayeen in la helo midnimo Soomaaliyeed ‘’  ayuu yiri Gaas oo shirka furay.

“Puntland si ay ula jaanqaado horumarka dhaqaale , amni iyo bulsho ee gobolka waa in ay isbedel dhab ah ku sameysaa haykalkeeda Dawliga ah iyo kuwa gaar ka ah , waana in la helaa amni iyo Nabad-gelyo taaba-gal ah ‘’ ayuu mar kale yiri madaxweyne C/weli Gaas.

Madaxweynaha Puntland waxaa kaloo uu sheegay in loo baahan-yahay in dhinacyada wax kala tirsanaya ay is-cafiyaan, mana uusan soo hadal qaadin Xiriirka Xilligan la joogo kala dhaxeeya Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxan doonaynaa dowlad dhexe oo Federaal ah, maamushana awoodda  uu dastuurku u ogolyahay," ayuu mar kale xusay C/weli Gaas oo kasoo Sheekeeyay Dadaalladii laga soo maray in Somaliya ay hesho dowlad Federaal ah.

Haweenka Puntland oo shirkan ka dhex-muuqday ayaa Madaxweynaha Puntland wuxuu ka Dalbaday in la Xoojiyo Kaalinta Haweenka ee Maamulkisa, iyadoo Shirkaan ay Goob-joog ahaayeen inta badan golaha wasiirada iyo xildhibaanada Puntland.

Ugu dambeyn, Shirkaan oo Socon doona Shan Casho ayaa lagu wadaa in lagu Heshiisiiyo beelaha wax kala tirsanaya ,waxaana sidoo kale looga hadli doonaa sidii ay Puntland usoo ceshan lahayd Magaalada Laascaanood oo hadda Gacanta ugu jirta Maamulka Somaliland sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta shirka ka qayb-galaya

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]