4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2015
Dhismaha Kulliyada Injineeriyada ee Jaamacada SIMAD oo Maanta Xariga laga Jaray (SAWIRRO)


Talaado, Ogoosto 25, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Golaha Sare ee Jaamacadda SIMAD Dr. C/raxmaan Al-Muxeylaan ayaa Maanta Xarigga ka jaray Dhisme Cusub oo loo Dhisay Kuliyadda Injineeriyadda, taasoo lagu soo kordhinayo Jaamacadda, iyadoo ay Tallaabadan lagu tilmaamay mid Qayb ka ah Horumarinta Jaamacadda SIMAD.

Shir jaraa’id oo uu Dr. Muxeylaan ku Qabtay Xarunta Jaamacadda oo ku Taalla Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho ayuu ku Sheegay in Tallaabadan ay Qayb ka Tahay Mashaariic ay ku Horumarinayaan Adeegyada Bulshada Soomaaliyeed.

“Haddii Alle idmo, waxaan sameyn doonnaa Mashaariic kale oo ay shacabka Somalaiyeed ka faa'iideysan doonaan,” ayuu yiri Dr. C/raxmaaan oo intaas ku daray “Halkaan Waxaa ka muuqda dhul cusub, waxaan ku rajo weynahay inaan u dhisno Jaamacadda SIMAD isbitaal aan ugu talo-galnay shacabka deggen Magaaladan, waxaan soo jirnay ku dhawaad 30-sano, wanaa sii shaqeyn Doonnaa inta uu Alle noogu talo-galay.”

Wakaaladda Muslimiinta Afrika oo Maamusha Jaamacadda SIMAD oo la Aasaasay 1999-kii, iyadoo lagu billaabay Machad Xisaabaadka iyo Maamulka lagu barto.

Agaasimaha Wakaaladda Muslimiinta Afrika, Sheekh Xasan Badawi oo isagana ka Hadlay Furitaanka dhisman lagu soo Kordhiyay Jaamacadda ayaa wuxuu yiri; “Jimciyaddu waxay waligeed garab-taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed, Jaamacaddani dadka Soomaaliyeed waxay ugu Adeegtaa tayo-sare iyo Qarash aad u yar.”

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan doonaynaa inay u Aqoonsadaan Jaamacadda SIMAD iyo Mu’asasaadka kale ee Jamciyaddu leedahay hanti ay iyaga leeyihiin ayna ilaashadaan, inay u arkaan wax Alle uu ugu soo dhiibay walaalaheen hadda Garabkeenna taagan iyo inta kale ee ka dambeysa ama howsha la wadda,” ayuu mar kale yiri Sheekh Badawi.

Ugu dambeyn, Dhismaha Cusub ee loo Dhisay Kulliyadda Injineeriyadda SIMAD ayaa ka kooban Dhisme Saddex Dabaq ah oo leh Qalabkii Wax lagu baran lahaa sida Lap Ardayda loogu talo-galay. Sanadkii hore ayaa dabaq noocan ah loo dhisay Kulliyadda Caafimaadka oo iminka Shaqeysa, Halka dhawaan la Hir-gelin doono Isbitaal weyn oo ay Bulshadu ka faa’iideystaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya