4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2015
KENYA: Darbiga laga dhisayo Xuduuda Waa mid ka Qayb-qaadanaya Adkeynta Amniga Dalka


Talaado, Ogoosto 25, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Mandheera Cali Robo ayaa sheegay maanta in qorshaha darbiga lagu dhisayo xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysa wuxuu qayb ka qaadanayaan xoojinta Amniga dalkeenna.

Cali Robo ayaa sheegay in qorshaha dhismaha darbigan uu yahay hindise wanaagsan oo ay Dowladda Kenya ku doonayso inay ku hakiso Weerarada ay Al-shabaab ku soo Qaadayso Magaalooyinka ku dhow Xuduudda.

“Maamulkeygu wuu Taageersan yahay Barnaamijka ay Xukuumaddu Dabiga uga dhisayso Xuduudda Somalia iyo Kenya, maxaa yeelay Darbigan wuxuu qayb weyn ka Qaadanayaan Xasilloonida degmada Mandheera, Gaar ahaan soo Gelista iyo ka bixista magaalada,” ayuu yiri Robo oo ka hadlayay kulan looga hadlayay amniga Mandheera.

Sidoo kale, wuxuu ammaan-darrada Mandheera ku eedeeyay maamulkii hore ee Gobolka Waqooyi-bari oo uu sheegay inay ku Guul-darreysteen inay Adkeeyaan Amniga Xududda Kenya ay la wadaagto Somalia.

Mr. Robo ayaa intaas ku daray in kuwa dambiyada ka geysanaya gudaha Kenya ay si fudud ugu gudbaan Somalia iyagoo maraya soohdinta, taasoo uu Sheegay inay Xuddun Xuduuda labada Waddan oo mid iska-furan.

“Darbiga waa mid hoos-u-dhigi doona heerka dambiyada ka dhaca Mandheera, waayo way adag tahay in dambiilayaashu ay kasoo tallaabaan xadka ayna Dib ugu Laabtaan Somalia,” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyaha Mandheera.

Robo wuxuu intaa ku daray in dhismaha darbigan ay muhiim tahay tan iyo inta ay Somalia xasillooni-darradu ka jirto, balse markii Somalia ay degto waa la dumin karaa.

Wasaaradda Amniga Gudaha Kenya ayaa horay u sheegtay inay Qorsheynayso inay Darbi ka dhisto Xadka u Dhexeeya Somalia iyo Kenya, kaasoo Dhismihiisa laga soo Billaabayo deegaanka Kiunga ee Lamu dherersanaan doonana illaa Degmada Mandheera.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa horay uga digtay dhismaha darbigan laga dhisayo Xuduudda labada waddan u dhexeeya, iyagoo ku Sifeeyay mid lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku nool Gudaha Somalia iyo Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya