4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2015
SAWIRRO: Madaxweyne Xasan oo ku Ammaanay Jaamacadda Carabta taageerada ay siiso Somalia


Talaado, Ogoosto 25, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Somalia kulan kula yeeshay Safiirrada Waddamada Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Xasan Sheekh iyo Safiirrada ayaa ka Wadahadlay Xaaladaha Siyaasadeed, Amni, Dhaqaale iyo Xoojinta Doorka Jaamacadda Carabta ee dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa uga mahad-celiyey Ururka Jaamacadda Carabta Taageerada ay mar walba Soomaaliya la-garab-taagan tahay, isagoo intaas ku daray in DF Somalia, baarlamanka iyo hay’adaha kale ee dowliga ah ay diyaar u yihiin inay fududeyaan iskaashigaasi labada dhinac ka dhexeeya.

Danjireyaasha Waddamada Jaamacadda Carabta oo iyaguna Kulankaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Horumarka Amni, Siyaasadeed iyo baahinta Xukunka ee ay ku Tallaabsatay Somalia, iyagoo intaa raaciyay in Somalia aanay xilligaan waqti u haynin inay lugaha la gasho khilaafaadyo kale oo siyaasadeed oo dib u dhac ku keeni kara horumarka la gaaray.

Ugu dambeyn, danjireyaasha Jabuuti, Dayib Dubad Rooble, Imaaraadka Carabta Maxamed Al Cuthmaan iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u Fadhiya Somalia, Maxamed Cabdalla Idiris ayaa iyaguna sheegay in Jaamacada Carabta ay Laban-laabeyso taageerada ay siiso Soomaaliya, si gaar ahna ay gacan uga geysaneyso hirgelinta hiigsiga 2016 oo ay ka mid tahay in Somalia ay doorasho ka dhacdo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya