4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2015
Ardayda ugu badnayd ee Jaamacadda Muqdisho oo u Fariistay Imtixaanka Qubuulka (SAWIRRO)


Talaado, Ogoosto 25, 2015 (HOL) — Kumanaan Ardayda Soomaaliyeed ah oo Gabdho iyo Wiilal isugu Jira ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 25/08/2015-ka u fariistay Imtixaankii Ogolaanshaha ka mid noqoshada Jaamacadda Muqdisho Sannad-waxbarashadeedka 2015-ka iyo 2016-ka.

Imtixaankan ayaa ka billowday dhamaan xarumaha Jaamacaddu ay ku leedahay Muqdisho, iyadoo ardaydii imtixaankan u fariisatay ay ka muuqatay sida ay ugu soo diyaar-garoobeen gelidda Imtixaanka 

Diiwaan-hayaha guud ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Maxamed Xasan Nuur oo la hadlayay Warbaahinta ayaa u u Mahadceliyay Ardayda maanta u fariisatay Imtixaanka qubuulka iyo Waalidka Soomaaliyeed kalsoonida ay siiyeen Jaamacadda Muqdisho, isagoo xusay in sida lagu yaqaano Jaamacada Muqdisho ay kaalinteeda dhanka Waxbarashada gudan doonto.

Sidoo kale, Dr. Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in kuliyadaha imtixaanka loo galayay ay yihiin sagaal kulliyadood oo ka kooban 29 takhasus oo ay bixiso Jaamacadda Muqdisho.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah Jaamacadaha ugu faca-weyn Somalia Gashayna Kaalimaha ugu Horreeya Jaamacadaha Qaarada Afrika ayaa soo Saartay Arday wax badan u taray Shacbigooda Soomaaliyeed Dal iyo Dibadba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya