4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2015
XILDHIBAAN DALXA: Heshiiska aan la Galnay Baarlamaanka Kenya faa’iido badan ayaa ku jirta


Talaado, Ogoosto 25, 2015 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka Gudiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Somalia, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa Faahfaahin Dheeraad ah ka bixiyay Heshiis 21-kii bishan Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Guddiyada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanada Somalia iyo Kenya.

Xildhibaan Dalxa oo intaas ku daray in lagu heshiiyay ay ahaayeen kuwo intooda badan ku aaddan xoojinta xiriirka labada waddan iyo in la fududeeyo socdaalka ay Soomaalidu ku tagto dalka Kenya.

Sidoo kale, Mudanuhu wuxuu tilmaamay in Qodobbada lagu heshiiyay ay ka mid ahaayeen Fududeynta dal-ku-galka [Visa], Wax-ka-qabashada Marinka Wajeer oo dhibaato badan ku ah dadka Soomaaliyeed ee ku Wajahan Magaalada Nairobi iyo Arrimo kale.

“Heshiiska aan la galnay xildhibaannada Baarlamaanka Kenya waa mid faa’iido ugu jiri doonto shacabka Soomaaliyeed, maxaa yeelay waxaan kala hadalnay Waxyaabo badan oo shacabka dhibaato ku hayay, waxaana isla garanay in sida ugu dhaqsiyaha badan qodobada la isku fahmay loo dhaqan-geliyo,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Ugu dambeyn, heshiiska ay labada baarlamaan kala saxiixdeen ayaa la horgeyn doonaa Baarlamaannada Kenya iyo Somalia si ay dib-u-eegis ugu sameeyaan; iyadoo labada haddii sida loogu talogalay uu u dhaqan-galaan, uu wax badan iska bedeli doono xiriir labada waddan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya