4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2015
Diyaaradii ugu horeysay ee Rakaab oo ka dagtay Garoonka Diyaaradaha Baardheere (SAWIRRO)


Talaado, Ogoosto 25, 2015 (HOL) — Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheer oo ka tirsan Gobolka Gedo oo bishii hore ee July laga saaray Al-shabaab ayaa Waxaa ka Dagtay diyaaradii ugu horreysay oo rakaab sidda, iyadoo xaaladda degmadaas lasoo sheegay inay soo hagaagayso.

Diyaaradan oo ah kuwa yar-yar ayaa Waxay ka duushay Garoonka Muqdisho, Waxaana halkaas ay geysay dad shacab ah, Iyadoo sidoo kale rakaab kale ka soo qaadday degmada Baardheere.

Rakaabkii Tagay Degmada Baardheere ee la socday Diyaaraddan yar ayaa waxay qaarkood ahaayeen kuwo aan degmadaas tagin sannadihii aynu kasoo gudubnay, xiligaasoo degmada ay gacanta ku haysay Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland, Jen. Fartaag iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Somalia ayaa dhawaan Shaaciyay in si Rasmi ah uu u furan yahay garoonka diyaaradaha ayna diyaaraduhu kasoo degi karaan.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya