4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 25, 2015
Waalidiinta carruurta kubadda cagta ee Naadiga SURAD oo kulan maalin-jooga ah ku yeeshay magaalada Ottawa.

Talaado, Agoosto 24, 2015 (HOL) Ka dib markii uu soo gabagaboobay kulan kubadda cagta ee Naadiga dhallinta SURAD ama loo yaqaan Surad Youth Soccer Club (SYSC) ee sannadkan ayaa waalidiinta carruurtaas waxay kulan ku yeesheen  barxadda maalin-jooga ee Moon’s Bay

Kulankaas oo dhacay bishan August 23keedii ayaa ujeedadiisu ahayd in loo dabaal-dago horumarkii ay gaareen carruurta kubadda cagta ee Naadiga Surad.

Waalidiinta ayaa si wadajir ah waxay ugu mahadceliyeen tababarayaasha kooxaha SURAD oo waqti badan galiyey sidii ay carruurtaas guul uga gaari lahaayeen cayaarta kubadda cagta isla markaasna uga fogaan la haayeen falalka xun oo badanaaba ay waalidiinta qurba-joogta Soomaaliyeed ay ka wal-walaan.

Maalintii jimcaha ee bishan August 21keedii ayey waalidiinta Naadiga SURAD waxay isugu yimaadeen kulan ballaaran ay uga tashanayaan sidii ay isugu diyaarin lahaayeen cayaaraha xilliga qaboobaha. Waxaa halkaas warbixino faahfaahsan ka soo jeediyey tababarayaasha kala ah Cabdirisaaq Shiino, Kayse iyo Saciid Carwo. Tababarayaashaas ayaa la rumeysanyahay in la’aantood aysan suura-gal noqoteen horumarka uu ku tallaabsaday Naadiga SURAD.

Naadiga SURAD ayaa waxaa la aasaasay dhammaadkii sannadka 2012, waxaana hadda xubno ka ah in ka badan boqol (100) caruura ah.

Naadiga SURAD ayaa waxaa lagala xiriiri kartaa barta ay internetka ku leeyihiin ee

http://suradsoccer.ca/ sidoo kale waxaa laga daalacan karaa bartooda FACEBOOK ee https://www.facebook.com/SURADYOUTHSOCCERCLUB

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya