10/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 23, 2015
MINNESOTA: Hay’adda Shanta Link oo DEEQ Waxbarasho Gudoonsiisay Arday Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Axad, Ogoosto 23, 2015 (HOL) — Hay’ada Shanta Link oo ah hay'ad
ka dhisan magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa deeq Waxbarasho jaamacadeed ah Guddoonsiisay laba arday oo Somali ah, kuwaasoo wax ka baran doona University of Minnesota; kaddib xaflad xasho sharaf ah oo lagu qabtay Hoteelka Ramaada.

Xafsa Maxamuud iyo C/llaahi Maxamed ayaa helay deeqdan, waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin gacanta naxariista leh oo ay u fidisay hey’adda Shanta Link.

“Aad iyo aad ayaan uga mahadcelinayaa taageerada Shanta Link, shaqo fiican ayay dadka Soomaaliyeed u hayaan, aniguna waxaan raaci doonaa jidkii ay faleen, waxaan taageeri doona dad kale ee u baahan gar-gaarka waxbarasho” ayay tiri Xafso Maxamuud.

Madax Shanta Link Sandhool Khalif ayaa sheegay inay awoodooda iskugu geyn doonaan sidii araday Soomaliyeed ee gobolka Minnesota ay uga caawin lahaayeen waxbarashada.

Hanti-dhowrka guud ee gobolka Minnesota Rebbeca Otto ayaa iyana ka soo qeybgashay casho sharaftan loo sameeyay dhiirrogalinta ardayda Soomaaliyeed, waxayna sheegtay inay taageersan tahay ololaha waxbarashada ee ay horkacayaan dhallinyarada Shanta Link.

“Ma ogaan karno wax mustaqbalka dhici doona, dadaal iyo fir-fircooni ayaa loo baahanyahay, xitaa waxaa dhici kara inaan anigu u baahdo  adeeg caafimaad iyo dhaqaatiir aqoon leh, sidaa daraadeed waan ku faraxsanahay mashruucan” ayay tiri Rebbeca Otto.

Sheekh Tawakal oo ka tirsan culimada gobolkan ayaa baaq u diray dadka Soomaaliyeed ee gobolkan, isagoo ka codsaday inay taageeraan mashruuca dhiirrogalinta ardaydan. “Qof kasta wixii uu awoodo ha ku taageero Shanta Link” ayuu yiri Sheekh Towfiiq.

“Dhallinyarada waa in mustaqbalkooda la dhisaa, dadaal kasta oo aan leenahay waa inaan iskugu geynaa, waayo iyaga ayaa xooggii iyo maskaxdii berri ah,” ayuu sheegay Cabdi Suleymaan (Cabdi Dheere) oo ka tirsan la taliyeyaasha hey’adda Shanta Link.

Haashim Yonis, oo ka tirsan maamulka Iskuulka Harvest ayaa isna ka faalooday muhiimada waxbarasha ee ubadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in qof kasta ay masuuliyad ka saran tahay horumarinta waxbarshada.

Xafladdan oo ku soo idlaatay si heer sare ah ayaa waxaa guud ahaan dhalinyaradii Shanta Link ee ka soo shaqeysay ay muujiyeen dadaal badan, waxaana mid ahaa Faa’isa Xasan, Axmed Diini iyo Ifraax Faarax.

Waxay aheyd sanadkii 3-aad oo hey’adani ay deeqo wabarasho u soo heshay ardayda Soomaaliyeed, waxayna ololaheeda wacyi galinta ku ballaarin doontaa dhamaan gobolada dalkan Mareykanka si ahmiyada waxbarashada ay muhiimad gooni ah u siiyaan waalidiinta Soomaaliyeed.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota