7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 20, 2015
DUQA Degmada Garoowe iyo ku Xigeenkiisa oo Maanta lagu Doortay Garoowe (SAWIRRO)


Khamiis, Ogoosto 20, 2015 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa waxaa maanta lagu doortay Duqa degmada Garoowe iyo ku xigeenkiisa, iyadoo xilka loo doortay Xasan Maxamed Ciise [Goodir] oo ka mid ah Ganacsatada Gobolka Nugaal, iyadoo ku xigeenkiisa loo doortay, Cismaan Maxamed Saciid.

Xilkan Duqa degmada Garoowe ayaa waxaa isku soo taagay Lix Musharrax; Waxaana mar dambe ka tanaasulay musharaxnimadiisa, Mahad Maxamed Gaalaco, iyadoo ay xilkaas ku tartameen shanta murashax ee kale, iyadoo ku guuleystay uu ugu dambayn ku guuleystay, Xasan Ciise Goodir.

Doorashada Wareeggeedii koowaad waxay murashaxiintii tartamay codadka u kala heleen sidan soo socota:

1. Axmed Siciid Geelle(Shoodhe). [7 Cod]
2. Cawil Sheekh Xaamud. [7 Cod]
3. Xasan Maxamed Ciise Goodir. [6 Cod]
4. Suhuur Xaashi Maxamed. [2 Cod]
5. Maxamed Jaamac Sooyaan. [5 Cod]

Wareegga koowaad ayaa waxaa ku haray Laba Murashax oo kala ahaa; Suhuur Xaashi iyo Maxmed Jaamac Sooyaan. Waxaana Wareeggii Labaad ku Tartamay Saddex Musharrax oo kala ahaa;

1. Axmed Siciid Geelle (Shoodhe). [6 Cod]
2. Cawil Sheekh Xaamud (8 Cod)
3. Xasan Maxamed Ciise Goodir. [12 Cod]

Sidoo kale, Wareegga labaad Waxaa ku haray Duqii sida KMG-ka ahaa ee uu Horay ugu magacaabay xilka Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo lagu magacaabo; Axmed Saciid Geelle isagoo helay lix cod oo keliya, Wuxuuna ahaa Musharraxii loo Maleynayay inuu Xilka ku guuleysan doono.

Wareeggii Saddexaad ee Doorashada ayaa waxaa isugu soo haray laba xubnood oo kala ahaa; Cawil Sheekh Xaamud iyo Xasan Maxamed Ciise Goodar oo Xilka ku Guuleystay Waxayna kala heleen;

1. Cawil Sheekh Xaamud. [12 Cod]
2. Xasan Maxamed Ciise Goodir. [15 Cod]

Guddiga Doorashada ayaa ku Dhawaaqay in Xasan Maxamed Goodir uu ku Guuleystay Doorashada Duqa Garoowe, Wuxuuna Duqa la doortay ee Garoowe oo Ganacsade ah uu horay xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland.

Dhanka kale, Doorashada ku xigeenka Duqa Garoowe ayaa Waxaa iyadana ku Tartamay Afar Musharax, iyadoo Wareeggii ugu Dambeeyay ay isugu soo hareen Caasho Cabdi Xuseen iyo Cismaan Maxamed Siciid, iyadoo xilka ku xigeenka duqa Degamada Garoowe uu ku guuleytay Cismaan Maxamed oo helay 16-cod.

Ugu dambeyn, labada Masuul ee ku Guuleystay Xilalka Duqa iyo ku xigeenka Degmada Garoowe oo ah Xarunta Puntland, ayaa lagu Dhaariyay isla Goobta, iyadoo la sheegay in dhawaan ay la wareegi doonaan xilalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, intii ay socotay doorashada waxaa hab maamulkeeda si habsami leh u waday; Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ahaana Gudoomiyihii gudiga xalinta Khilaafaadka iyo soo Xulista xubnaha Golaha Deegaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya