4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2015
AMISOM oo Askar u Xirtay Fal la Xiriira Dilal Dad shacab ah loogu Geystay Degmada Marko


Axad, Ogoosto 02, 2015 (HOL) — Saraakiil ka tirsan AMISOM oo maanta gaaray degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ayaa kulammo la qaatay Oday-dhaqameedka Degmada Marka.

Kulankan ayaa waxaa ka Qayb-galay Saraakiil ka socotay Ciidamada AMISOM ee fadhigoodu yahay deegaanka Ceel-jaalle ee Marka waxayna u sheegeen odayadii ay la kulmeen in AMISOM aysan raalli ka ahayn in dad shacab ah la Xasuuqo.

Taliyaha ugu sareeyo Ciidamada AMISON ee ka Qayb-galay kulankan ayaa isna wuxuu odayaasha u sheegay inay Xabsiga u Taxaabeen Labo Askari oo ka mid ah Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale, Oday-dhaqmeedka ay la kulmeen Saraakiisha AMISOM oo ahaa kuwo kasoo jeeda Shacabka Marka ayaa waxay ka codsadeen ciidamada AMISOM inay wax ka bedelaan Qaab-dhaqameedkooda; ayna jawaab cad ka keenaan Sababta keentay in dadka rayidka ah ee ku nool Marka ay dilkooda baneystaan ciidamada AMISOM.

Shirkan dhexmaray Odayaasha iyo Saraakiisha ka socda AMISOM ayaa wuxuu ku soo beegamayaa xillil Habeen hore ayaa Ciidamada AMISOM ku dileen Marka gaar ahaan Xaafadda Ruusiya lix ruux oo hal qoys kasoo wada-jeeda.

Waxaana dadkaas ku jiray Afar Wiil, Abbaahood iyo Adeerkood, kuwaasoo shalay lagu aasay Degmada Marka, kaddib markii Ciidammo ka tirsan AMISOM oo ka Careysnaa miino dhulka loogu aasay ay rasaas ku fureen Qoyskan oo deggenaa Xaafadda Ruusiya.

Ugu dambeyn, Qoysas faro badan ayaa ka barakacay xaafadda Ruusiya, iyagoo ka baqdin qaba amniga xaafadda oo noqday mid xun, dhowr jeerna ay ciidanka AMISOM ku dileen dad Shacab ah; markii Qaraxyo lagu Weeraray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya