4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2015
Jaamacada SIMAD ee Somalia oo Abaal-marino Caalami ah la Guddoonsiiyay (SAWIRRO)


Axad, Ogoosto 02, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu soo dhaweynayo Abaal-marinno heer Caalami ah oo ay Jaamacadda Oxford iyo Fadhiga Ganacsiga ee Qaaradda Yurub EBA ay Guddoonsiiyeen Jaamacadda SIMAD oo ay ka qayb-galeen Mas’uuliyiin ka socotay Bahda Waxbarashada iyo Marti-sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda SIMAD ee Magaalada Muqdisho.

Abaal-marinadaan ay Jaamacadda SIMAD heshay waxa ka mid ah Ruqsad ay u Adeegsan karto Howlaheeda Suuq-gaynta Shanta Sano ee soo socota, iyadoo loo eegayo sharciga ganacsi ee boqrtooyada Britain. Sidoo kale Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAd, Daahir Xasan ayaa la Guddoonsiiyay Shahaadada ka mid Noqoshada Midowga Akadeemiyada Oxford (Oxford Academic Union). Ugu dambayna Jaamacadda Oxford Guddoonsiisay SIMAD Shahaado Wanaag, isla markaana u Aqoonsatay mid ka mid ah Jaamacadaha ugu wanaagsan Gobolka.

Inj. Maxamuud Axmed Jimcaale oo Guddoomiya Jaamacadda Jamhuuriya ayaa sheegay in tani ay tahay guul u soo hoyatay dhammaan bahda Waxbarashada Somalia, isla markaasna meesha ka saartay aragtida xun ee dadka qaar ay ka Aaminsanaayeen tayada Waxbarasho ee Jaamacadaha Dalka ku yaalla.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIU, Prof Yahye Cali Ibraahim ayaa sheegay in abaal-marinta ay macno gaar ah ugu fadhiso dadka Soomaaliyeed gaar ahaan bahda waxbarashada sare ee dalka, SIMAD-na ay tahay astaan lagu daydo.

Agaasimaha xafiiska wakaaladda muslimiinta Afrika ee magacooda marka lsoo gaabiyo loo yaqaano AMA ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay abaal marintaan caalamiga ah. Waxa uu tilmaamay in aqoonsigan caaalamiga ahi soo dhawaynayaan isla markaasna farxad gaar ah ay tahay.

Gunaanadkii Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha SIMAD, Daahir Xasan oo tilmaamay in Jaamacaddu aysan Raadsanayn Aqoonsigaan, Laakiin loo gartay markii la Arkay dadaalka dheeraadka ah ee ay Jaamacaddu ku bixinayso Tayeynta Waxbarshada. Isagoo xusay inay guud ahaan Magaca Soomaaliya, gaar ahaan bahda Waxbarasho ay ku Guddoomeen Hadiyaddan Dadaalkana halkiisa laga sii wadi doono.

Ugu dambeyn, Jaamacadda SIMAD waxaa la Aasaasay Sannadkii 1999-kii, iyadoo lagu billaabay machad bixiya Waxbarashada sare, gaar ahaan Ganacsiga iyo Xisaabaadka, balse Sannadkii 2011-kii ayaa loo beddelay Jaamacad, iyadoo bixisa hadda sagaal kulliyadood oo ay wax ka bartaan ku dhawaan 4,000 oo arday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya