4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2015
Maamulka gobolka Awdal oo qaylo-dhaan ka Muujiyay Abaaro ka jirta Deegaannadooda


Axad, Ogoosto 02, 2015 (HOL) — Maamulka heer gobol & heer degmo ee gobolka Awdal ayaa qaylo dhaan ka muujiyey abaar baahsan oo ka jirta gobolkaas, waxayna xukuumadda iyo hay’adaha gargaarkaba ka codsaday inay biyo dhaamis u sameeyeen dad iyo duunyada ku nool deegaankaasi.

Sidoo kale, Xildhibaanadda Baarlamaanka Degaanka Gobolada galbeedka Somaliland ayaa iyaguna xukuumadda ugu baaqay inay u gurmato dadka iyo xoolaha ku tabaalaysan goboladaasi.

Xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale) oo arrintaasi ka hadlayey waxa uu yidhi “Galbeed Abaarta ka dhacday waa mid aan waligeed ka dhicin walina cid gurmad nasoo gaarsiisay ma jirto, haday dhinaca dawlada tahay haday dhinaca beesha caalamka tahay iyo shacaba, waxaanu cidsanaynaa in dawladu ay gurmad deg deg ah samayso, ganacsatada lacagta haysataana ay gurmad degdeg ah u sameeyaan waa dadkoodii waxa bakhtiyayaaye, qurba joogtuna ay dadkooda soo caawiyaan, maaha abaarihii la arki jiray,galbeedkana abaari kuma dhici jirine waa tii ugu xumayd maanta, Alle ayaa gacantiisa lagu dhargaaye waxaanu ka baryaynaa inuu alle roob siiyo.”

Xildhibaan Axmed-daahir Maxamuud Jirde ayaa isaguna yidhi “waxaanu ka hadlaynaa gobalada Awdal iyo Selel abaar ba’an ayaa dad iyo duunyaba saamaysay, Alle ayaa deeqda bixiya ee waxaanu leenahay Allow abaarta ka soo jabi, mar labaadka xukuumada,qurba joogta iyo hay’adahaba waxaanu leenahay dad iyo duunba dadkaasu digaday yihiine si guud oo Somalilandnimo ah oo tolnimo ah wax u tara.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed oo arrintaasi ka dayrinaya waxa uu yiri. “Meeshaas galbeedka waxa ka taagan abaar aan hore uga dhicin, maalin dhawayd ninbaa iisheegayay oo waxa uu yidhi sadex sac oo uu lahaa magaalada intuu yimaado ayuu boorash qaxoontiga uga iibiyay oo midba sacab uu siinayay, waa wixii dadku ay cunayeen, alle ayaynu ka rajaynaynaa inuu ka soo jabiyo, intaaskadibana waxaanu codsanaynaa dadkaas in loo dadaalo oo waxii la tari karaayo la taro.”

Xildhibaanada ayaa xukuumada iyo hay’adaha qaadhaan bixiyeyaasha ugu baaqay inay usoo gurmadaan shacabka ku dhaqan goboladda oo gurmad deg deg ah u baahan.

Si kastaba ha ahaatee, goboladda galbeedka gaar ahaan gobolka Maroodi jeex, Gabiley, Awdal iyo Selel ayaa laga soo sheegayaa inay ka jiraan abaar baahsan oo dadkii iyo duunyadiiba khatar galin karta hadaan loo gurman, iyagoo xukuumadda ugu baaqay inay degdeg ugu gurmadaan.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Siilaanyo ayaa isna amar ku siiyey wasiirkiisa Maaliyadda Samsam Cabdi Daa’uud inay Qaybka noqoto gurmadka loogu jiro dadweynuhu Abaartu saamaysay, isla markaana xustay inay xukuumadda bilaabayso biyo dhaamis ay ka gaysa-nayaan dadkaasi laga soo sheegayo inay abaaro baahsani ka jiraan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland