4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2015
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Wafdi ka socda dowladda Masar oo gaaray Beledweyne (SAWIRRO)


Axad, Ogoosto 02, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax oo ay wehliyaan wafdi ka socda dalka Masar iyo qusulka Safaarada Somalia ee magaalada Qaahira, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha iyo xubnnaha wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka heer gobol iyo degmo, iyo xubnno isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intaa kaddib guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-gallay munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayay taa oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka.

C/fataax Xasan Afrax oo warbaahinta la hadllay ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada socdaalka wafdiga ka socda dalka Masar, isaga oo sheegay in ujeedada socdaalkoodu yahay siddii ay mashaariic kala duwan uga fulin lahaa gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

“Maalmaha soo socda wafdiga waa ay nala sii joogi doonaan, iyagoo booqan doonna xeryaha ay degan yihiin dadka danyarta ah, oo qorshuhu yahay in dib u dajin loo sameeyo, loona dhiso guryo ka wanaagsan kuwa hadda ay ku nool yihiin'' ayuu yiri Cabdifitaax Xassan Afrax,

Mar uu ka hadllayay Mashaariicda ay Qorsheynayaan inay ka fuliyaan Gobolka ayuu  yiri. “Waxaa ka mid ah dhismaha isbitaal weyn oo ay ka howlgali doonnaan dhaqaatiir Masaari ah, Iskuul waxbarasho oo ay her-galin doonto Jaamacada Al-Azhar, waxaa siddoo kale ka mid ah mashaariic lagu hormarinayo beeraha iyo kuwa kale oo badan.”

Dhinaca kale, Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa u sheegay dadkii ka soo

 qeyb-gallay munaasabada in dhawaan magaalada Beledweyne uu ka furmi doonno shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, siddaa daraadeed looga baahan yahay bulshada in ay u diyaar-garoobaan.

“Dhawaan waxaa halkan ka furmaya shirweynaha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, siddaa daraadeed waa in dhamaanteen u diyaar-garoownaa siddii aan uga qeyb-qaadan laheyn sugidda ammniga iyo soo dhaweynta ergada ka qeyb-galli doonnta shirka,” ayuu yiri Afrax.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya xoolaha laga dhoofiyo gobolka Hiiraan si toos ah u taggi doonaan Masar, halka markii hore loo iib-geyn jiray dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya