4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2015
Minnesota oo lagu Qabtay Kulan Lagu Taageeray Maamulka KMG ah ee GALMUDUG (SAWIRRO)


Axad, Ogoosto 02, 2015 (HOL) — Kadib markii bishii july 4 2015 lagu doortay magaalada Cadaado madaxwaynaha  maamul goboleedka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dalalka ay u haajireen soomaalidu lagu qabanaayay munaasibado lagu soo dhaweenayo maamulkaas cusub ee Galmudug.

Haddaba, Habeennimadii Xalay Xaflad si heer sare loo soo Agaasimay ayaa lagu Qabtay Xarunta Minneapolis Convention Canter oo ah goobta ugu wayn ee Xafladaha lagu Qabto Magaaladan MPLS, tasoo ay kasoo Qayb-galeen dad kor u dhaafay illaa 3,000 oo Qof.

Waxaa lagu soo bandhigay Khudbado ,Ducooyin Gabayo Baraanburo Suugaan kala duwan oo badan heeso ay ku luuqaynayeen kooxda fanka ee gobolka Minnesota.

Waxaa ugu horeen ka hadlay  gudoomiyaha gudiga qabanqaabada Xaflada Cabdi Xaashi oo u Mahad-celiyeey dadkii la soo Shaqeeyay iyo intii kazoo Qayb-gashayba. Waxuuna hambalyo u jeediyay madaxda sare ee loo doortay inay Hoggaamiyaan maamulka KMG ah ee Galmudug.

Waxaan doonaynaa inaan taageero la garab-istaagno maamulka cusub oo u baahan inaan garbaha ka joogsano waxaa hadalkaa tiri Raaxo Warsame oo ah madaxa gudiga isutaga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota (CSCM). Waxayna kula dardaarantay dadkii goobta yimi in dalkii si iskaa wax u qabso ah dib loogu dhiso, waxay kaloo Raaxo baaq u dirtay maamulka Dhuusa-mareeb oo tiri in si dhaso leh loo soo daayo wariyaal halkaa lagu xiray.

Intii ay xafladda socotay waxaa aad loo xusay waxqabadkii Madaxwaynahii hore ee Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdulahi Tiicey oo Mudo labo sano ah maxkamad la;aan ugu xiran dalka Biljim , waaloo duceeyay Tiicey waxaana baaq loo soo  jeediyay dowladda cusub iyo tan Faderaalka ahba inay wax ka qabtaan dacwada Tiicey.

C/llaahi Bashiir oo ka mida waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa ku booriyay maamulka cusub inay wax ka qabtaan horemarinta gobladaa si ay u yaraato in ay ka haajiraan dadkii u dhashay gobolka, waxuuna xusay arimaha waxbarashada caafimaadka iyo shaqo abuurista inay muhiim ugu tahay waxyaabaha ugu horeeya ee ay qabandoonaan maamulkaas Galmudug .

Waxaa goobta ka hadashay sacab badanna u dhacay, Xafsa Xuseen oo ah Gabar Somali ah oo Sameeysa Barnaamij aad u caan baxay Ummaduna aad uga faa'iidaystaan oo la magac baxay la kari Xafsa (Cooking With Hafza) oo laga daalacdo barta youtubkeeda waxayna dadku ka bartaan sida loo sameeyo cunta karinta ,daryeelida jirka, iyo waxbadan oo dadka anfaca Xafsa Xuseen waxay dhankeeda u hanbalyeeysay madaxda cusub  ee Galmudug iyadoo abaalmarina gudoonsiisay gabadh lagu magaacabo Nimco Axmed tasoo ay ku mudaysatay wax u qabadka Curyaamiinta ku sugan wadankii hooyo.

Waxaa goobta ka hadlay odayaal dhaqameed, Siyaasiin kala duwan, ururada haweenka, madax hore, dhalinyaro waxay na dhamaantood hanbalyo u direen Maamulka Cusub ee wuu yeeshay gobalada Galgaduud iyo Mudug .

Ugu danbeyn, waxaa xafladda khadka teleefanka kula hadlay dadwaynahii goobta isug yimid madaxda saree e maamulka Galmudug Madaxwaynaha C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxwayne xigeenka Maxamed Cabdi Xaashi, iyo waliba Gud. Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir waxayna u jeediyeen dhamaantood khudbado ay aad ugu riyaaqeen dadkii ka soo qaybgalay Kulankaa lagu Taageerayay Maamul Goboleedka Cusub ee Galmudug.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minnesota, Mareykanka