4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2015
Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay inuu khilaaf kala dhexeeyo Dowladda Soomaaliya


Axad, Ogoosto 02, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Jubbaland Sh.  Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulkiisa iyo dowladda Federaalka Somalia uu u dhaxeeyo khilaaf, isagoo xusay in arrinta ay isku hayaan ay tahay guddiyada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya Magacowday.

Axmed Madoobe ayaa xusay in Maamulkiisa uu xaq u leeyahay in lagala tashto dhismaha Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee dhawaan uu Ansixyay Baarlamaanka Federaalka Somalia.

“Innagu waxaan xaq u lahayn in nagala tashto Guddiyadii Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee dhawaan la dhisay, Waxyaabaha isku khilaafsannahay dowladda ayayna ka mid tahay, waxaana noqon doonaa cidda ugu horreysay ee ka shaqeyn doonta sidii Somali la isugu keeni lahaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaas ku daray in Maamulkiisa uu Aaminsan yahay Federaalka, isla markaana ay ku weyn tahay Soomaalinimada, maamulkiisuna uu gogol u fidinayo dhammaan shacabka Jubbooyinka.

Madoobe ayaa tusaale u soo qaatay Calanka Maamulkiisa oo uu xusay in kan ugu horreeyo uu yahay kan Jamhuuriyada, balse waxaa uu xusay in haddii sida ay Dowladda Federaalka Somalia sidan wax u waddo ay labada calan is-garab dhigayaan.

“Madaxtooyada Hal Calan oo kan Jamhuuriyada Somalia ah ayaa yaalla, kan kle wuu ka hooseeyaa, haddii sidan wax ku socdaan, labada Calan ayaa is bar-bar dhigeynaa, waxaa idin sheegayaa in Soomaalinimada aan aaminsannahay, sidaa darteed haddaan nahay Reer Jubbaland Midnimada, walaalnimadeeda, iyo isku keenisteeda aan ka shaqeyneyno,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa xusay in dhawaan ay ka dhaceyso Kismaayo Doorashada Madaxtinimada Jubbaland bishan 15-keeda, loogana baahan yahay qofkii daneynaya uu tartanka kasoo Qayb-galo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya