4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2015
Madaxweynaha Puntland oo si adag uga hadlay Siyaasadda Somalia iyo Hiigsiga Sannadka 2016-ka


Axad, Ogoosto 02, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad uu ka jeediyay Xuskii 17-sano guuradii Aasaaskii Puntland ku sheegay in Puntland ay tahay maamulka keliya ee sharciga ku dhisan Somalia oo dhan.

C/weli Gaas ayaa intaas ku daray inuu xubnaha Al-shabaab ee soo goosanaya ay haystaan muddo bil ah oo ay ugu soo biiri karaan maamulkiisa, cafikaas oo uu ku sheegay inuu yahay kii ugu dambeeyay.

“Fursadan waa middii ugu dambeeyay oo cafis ah, waana hal bil haddii ay dhamaatana dagaal ayaan sii wadaynaa,” ayuu yiri Madaxweyne C/weli Gaas oo hore RW uga soo noqday Dowladda Federaalka ayaa si dadban ugaga hadlay Xaalada Siyaasada Somalia.

Wuxuu Gaas intaas ku daray. “Puntland waa Hooyada dalka, laakiinse ilmaheeda ayaa ku caasiyay mana tuurto hooyada ilmaheeda haddii ay ku caasiya.”

Sidoo kale, isagoo ka Hadlayay Arrimaha Federaalka Somalia ayuu sheegay in Puntland ay tahay maamulka kaliya ee sharciyad leh. Isagoo intaas ku daray inay doonayaan inay raadiyaan dowladnimo taam ah oo aan cidna marti loogaga ahayn.

“Dad ayaa qaba Soomaali dambe inaanan waqti isaga lumin inbadan oo cadow ah sidaa ayay doonayaan. Haddii aan weyno cid nala fahamto puntland ayaa Somali noqonaysa,” ayuu Gaas hadalkiisa raaciyay.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay in sanadka soo socda uu noqonayo Sabnadkii la dagaallanka Musuq-maasuqa. Wuxuuna sheegay in doorasho ay ka dhici doonto Sannadka 2019-ka doorashadaa oo ah Qof iyo Cod.

“Kutalagal ayaa loo fulin waayay qorshihii lagu gaarayay Higsiga, Innaguna waxaan ku baaqaynaa in gogol cusub loo fidiyo Somalia mana yeeleyno damaca hal qof ama hal koox ah,” ayuu mar kale yiri C/weli Gaas.

Ugu dambeyn, Intii ay Xafladdu socotay waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii kala duwanaa ee Sannadkii lasoo dhaafay iyo Hiigsiga Puntland ee Sannadkan inagu soo Aadan iyagoona Bulshada Reer Puntland u ballan-qaaday amni buuxa iyo Horumar waara.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya