4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2015
BARACK OBAMA: Al-shabaab Waxay Hayaan Waa Dhimasho iyo Dhaawac loo Geysanayo


Axad, Ogoosto 02, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka Barack H. Obama ayaa Amaanay horumarrada ay ka sameeyeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in la xoojiyo cadaadiska lagu hayo Al-shabaab.

Obama ayaa hadalkan ka sheegay Isniintii lasoo dhaafay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, halkaasoo uu booqasho saddex casho ah ku joogay.

“Al-shabaab ma hayaan wax aan ahayn dhimasho iyo dhaawac,” ayuu Obama ka yiri Addis Ababa, isagoo intaas ku daray. “Itoobiya hanjabaadyo waa weyn ayay kala kulantay Al-shabaab, balse waxaan wada-shaqeynaynaa sidii aan uga hortegi lahayn.”

Sidoo kale, wuxuu shirkiisa jaraa’id ku xusay weerarkii ay dadka badan ku naf-waayeen ee Al-shabaab ay la beegsatay Axaddii hore Hotel Jaziira oo Muqdisho ku yaalla, isagoo sheegay in weerarkaas uu ahaa mid nasiib-darro ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid ay ugu aar-gudayeen dad shacab ah oo ay ciidamada Itoobiya ku laayeen Gobolka Bakool ee Koonfurta Somalia. Iyadoo weerarkan uu dhacay xilli Obama uu ka tagayay Nairobi kuna socday Addis Ababa.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in weerarkan uu fuliyay ruux Somail-Jarmal ah oo muddo ku noolaa dalka Jarmalka, kaasoo lagu magacaabo, C/risaaq Buux, iyadoo wasaaradda amnigu ay sheegtay inuu hayay ruux ku sugan Boorame.

Ugu dambeyn, Warbixin laga soo saaray Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay weerarkan, iyadoo qoraalkaas lagu yiri. “Inkastoo Soomaaliya ay gaartay horumar dhab ah sannadihii lasoo dhaafay, ayaa haddana waxay kooxda Al-shabaab sii waddaa wareerarrada noocan oo kale.”

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dowladda Somalia si loo joojiyo weerarrada ay Al-shabaab meelo ka mid ah dalka ka geysanayso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya