1/4/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 19, 2015
SAWIRO: Walaac Xoogan oo lasoo Guboonaaday Qoxootiga Yemeniyiinta ah ee ku Sugan Qardho


Arbaco, Ogoosto 19, 2015 (HOL) — Muddo laba toddobaad ka yar ayaa ka harsan xilliga ay Waxbarashada Jaamacadda Bariga Afrika ee Qardho billaabanayso, taasoo caqabad ku noqonaysa boqol Qoys oo Qaxooti Yemeniyiina ah oo Dhismaha Jaamacaddaas uu hoy u ahaa.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ayaa Dhismaha Jaamacadda wuxuu si KMG ah deegaan ugu ahaa Qoxootiga Yemeniyiinta ah ee Somalia soo Gaaray, iyadoo mid ka mid ah Hor-joogayaasha Qoxootigan uu sheegay inaysan jirin weli qorshe ku aaddan halka la dajinayo Qoxootigan.

Jaamacadda Bariga Afrika ayaa waxay waxbarashadeedu billaabanaysaa 10-da September ee sanadkan. Iyadoo walaaca ugu badan ee Qoxootigan dalka Yemen kasoo cararay haysta uu yahay halkii ay degi lahaayeen.

“Wax badan bay u baahan yihiin qoxootigan… waxaana ugu muhiimsan meel ay degaan… Jaamacadda 01-da bisha September ayaa la furayaa, iyaguna halkan kuma noolaan karaan. Sababtoo ah meel munaasab ku ah inay qoysaskan ku noolaadaan ma ahan… xilligu waa deg-degayaa…. Waxaanan soo jeedinaynaa in Magaalada Qardho looga kireeyo guryo oo Qoxootigan si KMG ah u sii dagaan; inta looga dhisayo dhul loogu talo-galay in la dajiyo,” ayuu Warbaahinta u sheegay Cabdulqaadir Yaasiin Max'ed oo ka mid ah Horjoogayaasha Qoxootiga Yemeniyiinta ah ee ku sugan Qardho.

Dhismaha Jaamacadda Bariga Afrika ee Degmada Qardho ayaa waxaa ku nool boqol Qoys oo dhamaantood Yemeniyiin ah; kuwaasoo isugu jiraan Haween, Rag, Carruur, dhalinyarro iyo Waayeel.

Tirada Carruurta ay Da’doodu ka yar tahay shanta Sano Waa 65, Dhallinyarada ka yar 18-ka sano ayaa iyagana ah 214, Dumarku waa 215, inta kalena waa rag da’doodu Waa-weyn tahay.

Markii dagaalladu ay ka billowdeen dalka Yemen bishii Maarso ee Sannadkan ku dhowaad 19,000 oo Qof ayaa ammaan dartiis uga soo cararay Deegaannadooda, iyagoo u baxsaday dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Yemen.

Ugu dambeyn, Inta badan Qoxootiga yimid Somalia waxay joogaan Deegaanno ka tirsan Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya; sida ay Shaacisay Hay’adda ICRC oo Kaashanaysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya