9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 13, 2015
BAYDHABO: Kooxo Hubeysan oo Gurigeeda kala baxay haweeney ka mid ah ganacsatada degmada


Khamiis, Ogoosto 13, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa xalay kala baxay guri ay ka dagganayd degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Haweeney lagu magacaabo Faadumo Sugow Aadan oo ganacsato ahayd.

Dableyda Afduubatay Haweenydan ayaan la ogeyn meel ay la aadeen Faadumo, iyadoo ciidamada Amniga Gobalka Bay ay sheegeen inay wadaan baaritaanno ay ku baadi-goobayaan Haweeneydan Ganacsatada ah ee xalay la Afduubay.

Haweenada la afduubay ayaa waxay dhashay toddoba caruur ah oo kan u yar uu jiro lix bilood, sida uu HOL u sheegay Cabdi Nuur Aadan oo ka mid ah ehellada haweeneyda la afduubay.

Dhanka kale, Magaalada Baydhabo ayaa Waxaa ka socda Shirka oo Tashanayo xulista xubnaha baarlamaanka Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia; iyadoo  Magaalada ay soo gaarayaan Siyaasiyiin iyo Waxgarad doonaya inay ka mid noqdaan xubnaha baarlamaanka Koonfu-galbeed.

Ugu dambeyn; Siyaasiyiinta fara badan ee soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanno horay u tirsanaan jiray Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo