4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2015
Wadanka Kenya oo si Rasmi ah looga billaabay Tallaalka Cudurka halista ah ee Dabeysha (Polio)


Sabti, Ogoosto 01, 2015 (HOL) — Waxaa Maanta si rasmi ah looga billowday in ka badan 30 Is-maamul oo ka Tirsan Waddanka Kenya Tallaalka Cudurka Dabeysha (Polio), iyadoo wajiga koowaad ee Talaalkaas lagu sheegay inuu socon doono ilaa shanta bishaan August.

Wasiirka Caafimaadka Kenya James Machari, ayaa ugu baaqay Shacabka in ay ka qeyb-qataan fududeynta Talaalka, Wuxuuna sheegay in cudurka Dabeysha laga Tallaali doono Carruurta da’da yar.

"Waxaan maanta si toos ah u billowday Tallaalka Cudurka dabeysha, waxaana laga tallaali doonaa carruurta da'da yar talaalkaas oo gaari doono deegaanada iyo gobalada kala duwan ee Kenya ay ka kooban tahay", ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku daray in xarumo badan oo caafimaad ay howshaas fulin doonaan.

Sidoo kale, Dr Nicholas Muraguri oo ah agaasimaha adeegyada caafimaadka ayaa tibaaxay in daawooyinka tallaalka laga qaybin doono ilaa 8-kun oo xarumo caafimaad ah, kuwaasoo diyaar u ah iney shacabka u shaqeeyaan inta u dhaxeyso kowda ilaa shanta bishaan August.

Deegaanada uu maanta Talaalka ka bilowday, ayaa waxaa ka mid ah 3-dexda ismaamul ee uu ka kooban yahay gobolka Soomaalidu ay ka dagto Kenya ee Waqooyi Bari oo kala ah Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera.

Dhanka kale dowladda Kenya, ayaa sheegtay in talaalku uu socon doono inkastoo ay ka soo horjeesteen ololaha talaalka wadaada Kaniisadaha Katooliga oo sheegay in mar kala hore la tijaabiyo daawooyinka talaalka ka hor inta aanan carruurta la siinin.

Si kastaba ha ahaatee, Talaalka cudurka dabeysha ee hada ka billowday dalka Kenya, ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono dhowr waji isla markaasna uu socon doono ilaa bishan Sagaalaad ee Sannadkaan, lana gaarsiin doono Deegaannada iyo Gobollada kala duwan ee Kenya ay ka kooban tahay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya