4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2015
SAWIRRO: Askar ka Tirsan Booliiska AMISOM oo Xaflad Sagootin ah loogu Sameeyay Muqdisho


Sabti, Ogoosto 01, 2015 (HOL) — Munaasabad Sagootin ah ayaa maanta Muqdisho loogu sameeyay Ciidammo ka tirsan Booliiska AMISOM oo ka socda dalka Uganda, kuwaasoo Howshii ay u joogeen Soomaaliya u dhamaatay, Waxaana ka Qayb-galay Munaasabadda Taliyaha Ciidamada Booliiska Somalia, Jen. Xaamud iyo Ergeyga Ururka Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Maman S. Sidikou.

Xafladdan Sagootinta ah oo lagu Qabtay Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, ayaa ciidamadii loo sameynayay waxay kusoo bandhigeen Dhoolla-tus la xiriirta sida looga Hortago Rabshadaha Dhanka ka ah Ammaanka.

Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Sidikou ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska AMISOM ay wax badan ka Qabteen Amniga Muqdisho, iyagoo gacan ka helaya Booliiska Soomaaliya.

“Munaasabaddan Waa mid nagu Weyn. Tani Waxay Qayb ka tahay Howlgalka AMISOM, Aniga waan ku fanaayaa Howlaha Booliiska AMISOM ay ka Wadaan Muqdisho, waxaa la gaaray Waqtigii uu ruux kasta idin dhihi lahaa Waajibaadkiinii ayaad gudateen, Waxaanad muujiseen Howlkarnimo iyo wada-shaqeyn buuxda oo aad la yeelateen booliiska Somalia,” ayuu yiri Danjire Sidiku.

Intaa kaddib, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sagootinta booliiska AMISOM loo Sameynayo, isagoo xusay in is-kaashiga dhex-maray Booliiska DFS iyo kuwa AMISOM ay wax badan ka Qabteen Xaaladda Amni ee Dalkeenna.

“Ciidamada Booliiska AMISOM Waxaanu uga Mahad-celineynaa Sida ay ula Shaqeeyeen Booliiska Somalia, Runtii Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed way Xasuusan Doonaan Doorkii aad ka qaadateen Sugidda Ammaanka Muqdisho,” ayuu yiri Jen. Xaamud.

Ugu dambeyn, Booliiska AMISOM ee xafladda sagootinta ah loo sameeyay ayaa qaarkood la Guddoonsiiyay Shahaado-sharaf ku aaddan Howlaha Amaaan ee ay ka Qabteen Somalia Muddadii ay joogeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya