4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2015
NUSOJ: Waa in si Shuruud la'aan ah lagu Daayo Wariyeyaasha ku Xir-xiran Dhuusa-mareeb


Sabti, Ogoosto 01, 2015 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ugu baaqay maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Degmada Dhuusa-mareeb inay sida ugu dhaqsiyaha badan xorriyadooda ugu soo casiliyaan Wariyayaasha ku xiran degmadaas, Isla markaana ay abuuraan jawi ay maamulka iyo Suxufiyiinta Gobolku ku wada shaqeyn karaan, iyadoo Cambaareeyay Tallaabada suxufiyiinta lagu xiray.

Weriyayaasha oo kala ah; Maxamed Cabdi Maxamed oo ah wakiilka Galgaduud ee TV-ga Dowladda Somalia, Cabdi-Jamaal Macallin Axmed oo isagana u shaqeeya TV-ga Kalsan iyo Idaacadda Bar-Kulan iyo Bashiir Maxamuud Salaad oo u  shaqeeya TV-ga Horn Cable ayaa Sabtidii Maamulka Ahlusunna ee Dhuusa-mareeb xabsiga dhigeen, kaddib markii ay su’aal ka keeneen is-diiwaan-gelin ay Ahlusuna kusoo Rogtay.

Suxufiyiintan ayaa welwel ka muujiyay xogaha maamulku ururinayo sida ay ugu dhigi karaan gacan Amaan ah, iyagoo intii aan la xirin suxufiyiintan ay welwelkaas la wadaagay Ururka NUSOJ. Sida ururku ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray.

NUSOJ ayaa War-saxaafadeedkeeda ku xustay in Ahlusunna ay Sanadkii aynu soo dhaafay sidan oo kale ka dalbaday Suxufiyiinta iyo Warbaahintu inay isi soo diiwaan-geliyaan, iyadoo Suxufiyiintu Qaarkood oo is-diiwaan-geliyay Xogtooda loo adeegsaday in lagu daabaco qaar ka mid ah bogaga internet-ka kadib markii maamulka Ahlusunna u arkay inay Siyaasadooda ka hor-imanayaan.

Sidoo kale, Ururka NUSOJ ayaa ugu baaqay maamulka Ahlusunna inay si bilaa Shuruud ah Xorriyadooda ugu soo celiyaan suxufiyiinta xiran, isla markaana ugu baaqay maamulka Ahlusunna inay joojiyaan is diiwaan-gelinta khasabka ah ee oo cidii su’aal ka keenta xabsiga la dhigayo.

“Waa nasiib-darro in la xiro Weriyeyaal su’aalo ka keenay is-diiwaan-gelin lagu soo rogay, taasoo maamulka Ahlusunna ugu jawaabay xarig,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibaahim, Isagoo intaas raaciyay. “Waa in maamulku joojiyaa is-diiwaan-gelinta khaasabka ah oo ay ku qalqal gelinayaan suxufiyiinta iyo Warbaahinta Gobolka.”

Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka Ururka NUSOJ ayaa lagu yiri. “Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Ahlusunna ee Dhuusa-mareeb inay si bilaa shuruud ah xoriyadda Suxufiyiintaas u soo celiyaan, Abuurtana jawi ay Warbaahinta iyo Maamulku kuwada shaqeyn karaan.”

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Ahlusunna ee Gobollada Dhexe ayaa waxay u taxaabeen xabsiga Wariyeyaal ka Howl-gala Dhuuso-mareeb, kuwaasoo ay wararku sheegayaan inay gaarayaan shan oo mid ka mid ah tahay Haweeney.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya