4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2015
Rabshado ka dhacay Buuhoodle & Dad Xusayay Aasaaskii Puntland oo la kala Eryay (SAWIRRO)


Sabti, Ogoosto 01, 2015 (HOL) — Mudaaharaad rabshado wata ayaa ka dhacay Magaalada Buuhoode, kaddib markii dadweyne careysan ay dhagax ku billaabeen Xaflad lagu xusayay Sannad-guurada 17-aad ee kasoo Wareegtay Aasaaskii Maamul-goboleedka Puntland.

Rabshadahan ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmay 10-ruux oo mid ka mid ahi ay ahayd Haweeney, sida uu HOL u sheegay Agaasimaha Idaacadda Daljir, Khadar Cawl Ismaaciil, isagoo intaas ku daray in illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ay rabshaddani sababeen.

"Iyadoo ay socoto Munaasabad lagu xusayay Sannad-guurada Puntland ayaa mar keliya waxaa kusoo xoomay dadweyne tiro badan oo cadheysnaa, kuwaasoo  tuurayay dhagxaan, waxaa caabiyay ciidamada Booliiska iyo daraawiishta markii u dambaysayna waa ay ka awood bateen wayna kala eryeen," ayuu yiri Khadar.

Dhanka kale, Waxaa Barxadda Dugsiga Sare ee Samatar Baxnaan kula Hadlay Shacabkii cadheysnaa qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Khaatumo oo sheegay inaanay u dul-qaan doonin falalka noocan oo kale ah.

Shacabka Careysan ayaa weerar dhagax ah ku qaaday Saldhigga Booliiska, isla markaana taayiro ku gubay Waddooyinka gala saldhigga booliiska, Calanka Puntland-na halkaas ku gubay.

Rabshaddan ayaa noqonaysa tii ugu ballaarnayd ee ka dhaca Degmada Buuhoodle, iyadoo dadka Waxyeelladu soo gaartay Sagaal ka mid ah dhagxaan lala dhacay; halka Qofka kale oo haween ah ay Xabadi ku dhacday.

Ugu dambeyn, Lama saadaalin karo in Rabshadahan sii socon karaan iyo in kale; iyadoo shacabka intiisa badan ay qabaan inay intaas ku ekaan karto sidii waqtiyo hore dhacday.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool