4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2015
Puntland oo 17–Jirsatay iyo Meelo kala duwan oo laga Xusay Munaasabadda 01-da Agoosto


Sabti, Ogoosto 01, 2015 (HOL) — Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso ayaa maanta soo Qaban-qaabiyay Munaasabado lagu Xusayo sanad-guuradii 17-aad ee Puntland oo ku beegan markii la Aasaasay Maamulka Puntland, Waxaana Xuskan ka Qayb-galay Dadweyne aad u tira badan.

“Maanta looma kala harin xuska ,waxaad arki kartaan in bulshadii Bosaaso oo dhami ay halkan isugu soo baxeen si ay u muujiyeen dareenkooda ku aadan maalintan," ayuu yiri duqa degmada Bosaaso Maxamed Saciid Shabeel oo la hadlayay warbaahinta.

Amaanka xarunta degmada iyo kan gobolka ayaa aad loo adkeeyay ,waxaana ciidamo tiro badan la keenay goobahaas si loogu hortago rabshado dhaca ,mana jirin cid loo qabtay howl-galo laga sameeyay magaalada munaasbadda ka hor.

“Halkan waxaan hambalyo gaar ah uga dirayaa umadda reer Puntland meel kasta oo ay joogaan munaasbaddan awgeed ,waxaan kaloo hambalyo u dirayaa ciidamada gobolka oo dhoola tus wanaagsan halkan ku soo bandhigay,” ayuu isna yiri gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado).

Sidoo kale munaasbado tan lamid ah ayaa lagu qabtay magaalooyinka Garowe, Qardho iyo waliba Gaalkacyo ,waxaana dhamaantood ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo boqolaal dadweyne ah.

01-da Agoosto ayaa sanad walba laga xusaa guud ahaan deegaanada Puntland ,waxaana Maalintan loo Asteeyay Xuska Asaaskii Puntland oo dhidibada loo taagay sanadkii 1998-dii 1-dii bisha agoosto.

Ugu dambeyn, Munaasabad ay ka soo qayb-gali doonaan Madaxda Puntland, Gaar ahaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu wadaa in caawa ay ka dhacdo madaxtooyada Garoowe, halkaasoo laga jeedin doono khudbado la xiriira xaaladda Puntland.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]