4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2015
AXMED MADOOBE: 15-ka Ogoosto dib ugama Dhacayso Doorashada Madaxnimada Jubbaland

Sabti, Ogoosto 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) oo Maanta Khudbad ka Jeediyay Shirkii Ansixinta Dastuurka Maamulka Jubbaland ayaa Sheegay in Doorashada Madaxtinimada Maamulka Jubbaland ay dhici doonto 15-ka bishan Ogoosto ee aynu ku jirno.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa xusay in aysan Doorashadu ka dib dhici doonin xilligaas loo Qorsheeyay, wuxuuna intaas ku daray in Muwaadin kasta oo Reer Jubbaland ah oo xilkaasi qaban kara in uu isa soo sharixi karo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan oo isna ka hadlay xafladdii maanta ayaa sheegay in Heshiiskii Addis Ababa uu Qorayay in Waqtiga Maamulka KMG ee Jubbaland uu ku eg-yahay Dabayaaqada bishan Ogoosto, Wuxuuna Xusay in Doorashadu ay dhici doonto 15-ka bishan Agoosto.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubba ayaa ugu baaqay cid walba oo u dhalatay Jubbaland oo dooneysa inay Hoggaanka Qabato ay isku soo sharrixi karto Xilka ayna soo dhaweynayaan.

Xilliga loo asteeyay in ay dhacdo doorashada madaxtinimo ee Jubbaland ayaa Waxaa ka harsan laba Toddobaad oo qura, Waxaana madaxda Jubbaland ay aad ugu cel-celiyeen in aysan marnaba dhaceyn waqti kordhin loo sameeyn doono xilliga Doorashada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya