4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2015
Taliska AMISOM oo sheegay inuu baarayo Dilal ay Ciidamadoodu dad shacab ah ugu Geysteen Marko


Sabti, Ogoosto 01, 2015 (HOL) — Taliska Guud ee Ciidamada AMISOM ayaa ku sheegay War kooban oo ay soo dhigeen Bartooda Twitter-ka inay Baaris ku Sameynayaan Dilal la Sheegay inay Ciidamadoodu Dad Shacab ah ugu Geysteen Magaalada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose.

AMISOM ayaa Qoraalkeeda kooban ku Sheegtay in haddii Falkan uu dhacay ay ka Qaadi doonaan ciidamadii geystay tallaabooyin sharciga waafaqsan ayna sameyn doonaan dadaal walba oo ay ku yareynayaan khasaaraha shacabka soo gaara.

“Haddii Ciidamadeennu ay toogasho ku dileen dad shacab ah oo ku nool degmada Marko, baaritaanno ayaan ku sameyn doonnaa. Ciddii lagu helo inay Falkaas geysatayna Tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa,” ayay AMISOM ku tiri Qoraalkeeda.

Sidoo kale, Taliska AMISOM ayaa hadalkooda ku daray inay dhici karto in Weerar Walba oo dhaca ay Khasaare kasoo Gaari karto Shacab aan Waxba galbasan, balse ay si weyn ugu dadaalayaan sidii ay khasaaraha shacabka u yareyn lahaayeen.

“Way dhici kartaa in shacabka ay saameyn kasoo gaarto Weerar Walba oo dhaca, Laakiin waxaan sameynaynaa wax walba oo looga Hor-tagayo in Shacabka aysan khasaare kasoo gaarin Weerarrada dhacaya,” ayay AMISOM hadalkeeda ku dartay.

Qoraalka AMISOM ay kaga hadashay Dilal ay Ciidamadooda u geysteen dad Shacab ah oo aan waxba galabsan ayaa imaanaya xilli ciidamada AMISOM ee degmada Marko ku sugan ay toogasho ku dileen lix qof oo ay ku jiraan Aabbe iyo Caruur uu dhalay.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo Ciidamada AMISOM ee Marko ku sugan lagu eedeeyo inay toogasho ku toogteen dad shacab ah, iyadoo bishii la soo dhaafay ee July toogasho ku dilay dad ka badan 10-qof oo shacab ah.

Si kastaba ha ahaatee, eedeymahan ayaa waxay imaanayaa xilli Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ee Koonfurta Somalia ay ka Socdaan Howl-gallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay iska-kaashanayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya