4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2015
Ergadii Shirka Kismaayo oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixisay Dastuurka Jubbaland (SAWIRRO)


Sabti, Ogoosto 01, 2015 (HOL) — Ergo 300 ah oo ku Xareysnaa Xarunta Caymiska ee Magaalada Kismaayo ayaa maanta cod u qaaday Qabyo-qoraalka Dastuurka Jubbaland, iyadoo ergadu ay cod aqlabiyad ah ku Ansixiyiin Dastuurka Maamulka Jubbaland.

Xafladdii Ansixinta Dastuurka Jubba ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xuseen Sh. Maxamuud, R/Wasaarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, wasiirkii Hore ee warfaafinta Soomaaliya, Cabdullahi Ciilmoge Xirsi, Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey, wasiirkii hore ee tacliinta Maamulka Puntland Cali Xaaji Warsame,  Xubno kasocday UNDP iyo Martisharaf kale.

Ansixinta Dastuurka kaddib waxaa madasha ka hadlay masuuliyiin kala duwan, kuwaasoo bogaadiyay qaabka ay u dhacday munaasabaddii Ansixinta Dastuurka, iyagoo sheegay inay tahay tallaabo horumar leh oo ay gaareen shacabka iyo maamulka Jubbaland.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Max'ed Cabdi Afeey oo khudbad dheer goobta ka jeediyay ayaa sheegay in ansixinta dastuurkan Jubbaland ay tahay tallaabadii ugu danbeeysay ee heshiiskii Adisababa ee dowladda Somaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Mas’uulkan ayaa sheegay in ka IGAD ahaan ay cadeeynayaa in maamulka Jubbaland uu gabi ahaanba kasoo baxay heshiisyadii uu la galay dowladda Soomaaliya, uuna filayo in doorashadu madaxtinimo ee maamulka ay ku dhacdo xilligii lagu balamay.

Cali Max'ed Geedi, Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo isna goobta khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay imika gashay marxalad ka badalan tii hore, isagoo xusay in ansixinta dastuurkan ay tahay tallaabo wax ku ool ah, waxa uuna kula dardaarmay maamulka Jubbaland in had iyo jeer uu ka shaqeeyo sidii loo qancin lahaa cid walba oo wax tabaneeysa.

Wasiirka Dastuurka dowladda Somalia, Xuseen Sh. Maxamuud oo isna Goobta ka hadlay ayaa xusay inuu soo dhaweeynayo dastuurka ay maanta Ansixiyeen Ergada reer Jubbaland, isagoo goobta ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii la isugu soo dhaweyn lahaa maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland Sh. Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad dheer Munaasadda ka jeediyay ayaa ugu hambalyeeyay ergadii ka kala timid seddexda Gobol, Guddiyadii ka Shaqeynayay Dastuurka iyo cid walba oo ka Qayb-qaatay sidii loo Qori lahaa Dastuurka Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya