4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2015
Maydka Sarkaal Shiinaha u dhashay oo lagu dilay Weerarkii Hoteel Jaziira oo la Geeyay Dalkiisa


Sabti, Ogoosto 01, 2015 (HOL) — Maydka Sarkaal u Dhashay Waddanka Shiinaha oo ku Dhintay Weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee Toddobaadkii Hore ay Al-shabaab ku Qaadday Hoteel Jaziira ee Magaalada Muqdisho ayaa dib loogu celiyay Shiinaha; sida ay shaaciyeen Ciidamada Dalka Shiinaha.

Sarkaalkan oo magaciisu ahaa, Zhang Nan oo 29-jir ahaa ayaa wuxuu ka mid ahaa xubnaha Amniga Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa ku dhawaad 20 ruuxoo ku dhintay Weerarkaas Is-miidaaminta ahaa.

Waxaa maydka sarkaalkan laga dajiyay Magaalada Jinan oo ah Xarunta gobolka Shandong oo ku yaalla Bariga dalka Shiinaha, halkaasoo xaflad sagootin ah loogu sameyn doono, ugu dambeynna lagu aasi doono Berri oo Axad ah.

Dhanka kale, Zhang wuxuu ka mid ahaa 10-sarkaalkan u dhashay dalka Shiinaha oo Abaal-marinno lagu guddoonsiin lahaa xafladda 18-aad ee dallacsiinta qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Shiinaha oo Khamiista soo socda lagu waday inay Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Ugu dambeyn, 31-kii Jannaayo ee Sannadkan ayuu Zhang Nan uu Hawshii ugu Horreysay ee ilaalada Safaaradda Shiinaha uu ku leeyahay Somalia uu billaabay, isagoo ku guuleystay Abaalmarinno dhowr ah intii uu howshan hayay.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii Hotel Jaziira ee Muqdisho, kaasoo la sheegay inuu fuliyay ruux  Soomaali ah oo ku noolaa dalka Jarmalka oo magaciisa lagu sheegay C/risaaq Buux.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya