4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2015
Saraakiisha Al-shabaab oo Janaaso u Tukaday Hogaamiyihii Geeriyooday ee Taliban (SAWIRO)


Sabti, Ogoosto 01, 2015 (HOL) — Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa u tukaday Salaadda Janaasada Qaa’ibada ah Hoggaamiyihii Ururka Taalibaan ee dalka Afgaanistaan, Mullah Maxamed Cumar.

Saraakiisha Al-shabaab ka tirsan ayaa sheegay in Mullah Maxamed Cumar uu ka mid ahaa hoggaamiyeayasha Jihaadka Calaamka ka socda, iyagoo sheegay inay aad u naxeen markii ay maqleen geeridiisa.

“Waxaan Salaadda Janaasada Maqnaashaha (Qaa’iba) u Tukanaynaa Amiirkeennii Mullah Maxamed Cumar, wuxuu ahaa hoggaamiyaheenna weyn, wuxuuna ka mid ahaa madaxda Jihaadka maanta ka socda Caalamka oo dhan,” ayuu Sheekh Maxamed Abu-C/lla oo ahaa Guddoomiyaha Al-shabaab ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in Mujaahidiinta ku howlan dhamaantood waxay kasoo baxeen Iskuulka Af-gaanistaan. Geeridiisa markii ay ku Dhawaaqeen Talaalibaan runtii aad ayaan uga naxnay.

“Maalin walba waxaan sagootinaynaa walaal ka mid ah Walaalaheen, Waxaanu sidoo kale sagootinaynaa mid ka mid ah Hoggaamiyeyaasheenna, waxaana laga maarmaan ah inaan ku dhimanno waddadooda,” ayuu Abuu-Cabdalla hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Mullah Cumar uu ahaa hoggaamiye weyn oo ka mid ahaa Hoggaamiyeyaasha Ururrada Jihaadiga ah ee Caalamiga, isagoo kalena wuxuu ahaa nin adduunka ka saahiday oo dagaal kula jira cadowga Alle.

“Isha wuxuu ku waayay dagaalkii Midowga Soofiyeeti ay la galeen, dagaalkaas markii uu dhammaadayna wuxuu ku laabtay howshiisii, isagoo ciidan abaabulay kaddibna dowlad ka dhisay Afgaanistaan; si uu ula dagaalamo kuwa doonayay in ay dhacaan shacabka, iyadoo caalamku uu qiray in laba sano gudahood ay noqtay Afgaanistaan meesha ugu ammaanka badan calaamka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Abuu-Cadalla wuxu hoosta ka xariiqay in Hoggaamiyeyaashii Al-shabaab ugu waaweynaa ay wax kusoo bateen Iskuullo laga furay Afgaanistaan, kuwaasoo uu furay Hoggaamiyihii Taalbiyaan ee Geeriyooday Mullah Maxamed Cumar.

Si kastaba ha ahaatee, Geerida Hoggaamiyihii Ururka Taaliyaan ayaa waxaa si rasmi ah u shaaciyay Khamiistii lasoo dhaafay Ururka Daalibaan, iyagoo xusay inay xilka u dhiibeen ku xigeenkiisii. Iyadoo Dowladda Afgaanistaan ay Arbacadii sheegeen in Mullah Cumar uu geeriyooday Muddo laba sano laga joogo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya