4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2015
Xubno ay isku qoys yihiin Hogaamiyihii Ururka Al-Qaacida oo ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed


Sabti, Ogoosto 01, 2015 (HOL) — Afar ruux oo ay ku jiraan dad ay Osama Bin Laden ay isku qoys ahaayeen ayaa ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay Koonfurta dalka Britain.

Laba qof oo dadkan ka mid ah ayaa waxay ahaayeen gabar la dhalatay Osma Bin Laden oo ahaa Hoggaamiyihii hore ee Ururweynaha Al-Qaacida iyo haweeney eeddo u ahayd.

Diyaarada Shilka gashay ayaa la sheegay inay ahayd mid ay lahaayeen Qoyska Osama Bin Laden, iyadoo la sheegay inay ka baxday waddadii ay ku cararaysay ee garoonka diyaaradaha Blackbushe ee magaalada Hampshire; waxayna ku dhacday goob lagu soo bandhigayay gaadiid oo garoonka aad ugu dhaweyd.

Safiirka Sacudi Arbia u fadhiya Britain, Mohammed bin Nawaf Al-Saud ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyooden dadka shilka ku dhintay, gaar ahaan qoyska Bin Laden oo ah qoys maal-qabeen ah oo can ka ah Sucuudiga.

Afhayeen u hadashay booliiska Britain ayaa xusay in dhammaan dadkii saarnaa diyaarada oo ahaayeen afar qof, dhammaantoodna ay geeriyoodeen, kuwaasoo uu ku jiray duuliyihii diyaaradda waday.

Ugu dambeyn, Osama Bin Laden Aabihii Maxamed Bin Laden ayaa isagana ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Saudi Arabia Sannadkii 1967-kii halka Osama bin Laden lagu diley dalka Pakistan Sannadkii 2011-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya