4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2015
Ciidanka AMISOM oo la sheegay inay dad shacab ah ku laayeen Xaafadda Ruusiya ee Degmada Marko


Sabti, Ogoosto 01, 2015 (HOL) — Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Askar ka Tirsan AMISOM ay Xalay Dad shacab ah ku dileen gudaha magaaladaas.

Inta la xaqiijiyay lix qof oo shacab ah ayay ciidamada AMISOM xalay toogteen, waxaana dadka la dilay la sheegay inuu ku jiray Aabbe iyo Caruurtiisa. Sidoo kale waxaa jira dad ay dhaawcyo soo gaareen, kuwaasoo la geeyay Isbitaalka degmadaas.

Sidoo kale, Goobjooge ku sugan Magaalada Marka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay Guryaha ugu galeen dadkan shacab ah ee ay dileen, kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan u geysteen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidanka AMISOM ay nolosha ku kaxeysteen dhallinyaro badan oo ka mid ah kuwa deegaanka illaa iyo hadda lama oga halka ay la aadeen.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii la sheegay in shalay ciidamada AMISOM Qarax lagula eegtay Xaafadda Ruusiya ee Marka, iyadoo xaaladda ay tahay saaka mid kacsan.

Bartamihii bishii hore ayay ahayd markii markii sidaan oo kale askar ka mid ah AMISOM ay dad shacab ah ku dileen Marka, inkastoo ciidamada Midowga Afrika ay inkireen inay falkaas ka dambeeyeen ciidamadooda.

Dhanka kale, wararka laga helayo Marko ayaa intaas ku daray in shacabkii ku noolaa xaafadda Ruusiya ay billaabeen inay guryahooda ka barakacaan saaka iyagoo ka baqadin qaba in la beegsado mar kale.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Marko ayaa la sheegay inay gaadiid dagaal soo dhoobeen Xaafadda Ruusiya, halkaaso ahayd halkii lagula eegtay xalay qaraxa, iyaguna ay ku laayeen shacabka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya