4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2015
Mucaaradka Somaliland oo Walaac ka Muujiyay inay Xukuumaddu Muddo Kororsi Sameysato

Khamiis, Abriil 09, 2015 (HOL) — Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa kulan gaar ah oo ay manta la yeeshay mas'uuliyiinta labadda xisbi ee mucaaradka ah, isla markaana iska waraysanayey sida hawshu u socoto iyo qaabka jadwalkooda u dhigteen.

Kulankan oo saxaafadda loo diiday ayaa markii uu soo dhammaaday waxay Warbaahintu wax ka waydiisay musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan iyo xogyaha Arrimaha Dibadda xisbiga WADANI  Maxamed Cismaan Fadal, kuwaas oo sheegay inay kulankani daarnaa sidii ay xog u kala qaadan karaan, isla markaana u ogaan lahaayeen siday hawsha u wadaan.

Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay inay beesha caalamku doonayso in doorasho dimuqraadi ah dalka ka dhacdo, isla markaana aanay marna ogolayn muddo korodhsi  aan loo baahnayn, isagoo xusay kulimaddii ay la yeesheen weftigii Maraykanka ahaa.

“Wufuudii Maraykanka ka yimi ee shalay waddanka yimi oo kulamo nala yeeshay waxay caddeeyeen in doorasho lagama maarmaan tahay. Maantana komishankana waxa aanu leenahay iswaraysi joogto ah, maantana waxanu ugu nimid iswaraysi halka hawluhu marayaan iyo sida wax u socdaan iyo in la derdergeliyo si loo cayimo waqtiga doorashadu, waxana aanu caddaynaynaa in beesha caalamka ay ka go’an tahay inaanay doorashooyinku muddo-dhaafin.”ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Sidoo kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal ayaa sheegay in guddida doorashooyinka kala hadleen sidii loo derdergelin lahaa doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, isla-markaana meesha looga saari lahaa Hubaal la’aanta shacabku ka qabo shaqadii Guddida Doorashooyinka.

Si kasta ha ahaaatee, xisbiyada mucaaradka ayaa walaac ka qaba in xukuumaddu damacsan thay in muddo kordhin aan raali laga ahayn samaysato, isla markaana wax u dhinto dimuqraadiyaddii iyo geedi socodkii hanaanka Doorashooyinka,sidaa darteed waxa xukuumadda ugu baaqeen inay shir wada tashi la iskugu yimaado si looga arrinsaddo waxa laga yeelayo bisha June dabadeed oo ku beegan wakhtigii madaxweynaha la doortay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland