4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2015
Sheekh Aadan Sunne oo ka mid ah Culumada Magaalada Hargeysa oo Xabsiga loo Taxaabay


Khamiis, Abriil 09, 2015 (HOL) — Sheekh Aadan C/raxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo ka mid ah Culimada Somaliland ayaa saaka saladdii subax kaddib xukumaddu xabsiga u taxaabtay.

Wadaadkan ayaa caan ku ahaa inuu khudbado uu xukuumadda ku dhaliilayo masaajid uu imaam uu ka yahay oo ku yaalla magaalada Hargeysa ka jeediyo, balse xukuumaddu ma caddeyn weli sababta loo xidhay iyo dambiga uu gallay.

Sh. Aadan Sunne ayaa toddobaadkiiba maalinta jimcaha ku soo qaata khudbadiisa hadba waxa taagan iyo arrimaha mudan kolba in laga hadlo, waxaanu caan ku ahaa inuu mararka qaarkood si adag u dhaliilo Hay’adaha ajanabiga ah oo uu sheegay inay dhaqamo xun xun la yimaadaan dalka, isla markaana waxyeelo ku ah wadan muslim ah, isagoo qaar ka mid ahna markii uu soo bandhigay ficilo ay sameeyey dalka laga mustaafuriyey.

Illaa hadda Xukuumadda Somaliland iyo Boolisku kama hadal xadhiga wadaadkan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland