4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2015
Xukuumadda Somalia oo lacago dul-dhigtay Hoggaamiyeyaal ka Tirsan Al-shabaab (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 09, 2015 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay Amniga guud ee dalka, xaaladaha shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Yaman iyo Kenya, iyagoo dul-dhigay lacag hoggaamiyaha ugu sarreeyo Al-shabaab.

Xubnaha golaha wasiirrada ayaa ka dooday liis ay ku qoran yihiin 11-ruux oo ka mid ah hoggaanka sare ee Al-shabaab, waxaana golaha wasiirradu ansixiyeen lacagaha lagu abaal-marinayo ciddii keenta macluumaad ku saabsan halka ay ku sugan yihiin hoggaanka sare ee Al-shabaab.

Ragga ay xukuumadda Soomaaliya lacagta ku raadinayso waxaa ka mid ah hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab, Axmed Diiriye oo loo yaqaan Sheekh Axmed Cumar Abuu-cubeyda, kaasoo madaxiisa la dul-dhigay $250,000.

Sidoo kale, waxaa abaal-marin lacageed oo gaaraysa $150,000 - $100,000 la Dul-dhigay xubnaha kale ee Al-shabaab sida; Mahad Warsame Qalay (Mahad karate), Cali Maxamed Raage (Sheekh Cali dheere), C/llaahi Cabdi (Da’ud Suheyb), Maxamed Maxamuud Nuur (Suldan), Cali Maxamed Xuseen, Xasan Maxamed Cali (Afgooye), Cabdullaahi Cismaan (Ismaaciil), Maxamed Cabdi Muuse (Haabiil), Maxamed Maxamuud (Dul-yadeyn Kunno) iyo Yaasiin Cismaan (Kilwa) waxaa abaal-marintan qaadan doona cid walba oo sheegta meesha ay joogaan raggan ama suuro-galinaysa in gacanta lagu dhigo.

Dhanka kale, golaha wasiirrada ayaa ka dooday xayiraadda ay dowladda Kenya kusoo soo rogtay xisaabaadka shaqsiyaad ay ku jiraan dad can ah oo Soomaaliyeed iyo Xawaaladaha u adeega dadka Soomaaliyeed, iyadoo ay golaha wasiirradu sheegeen in dalka Kenya uu joogo wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/salam Cumar Hadliye, kaasoo Kenya kala xaajoonaya arrimaha taagan.

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada ayaa sheegay in guddi loo xil-saaray samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Yaman, iyadoo dowladda Somalia ay u dirtay Yaman markab ka qayb-qaata daad-gureynta dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan si ay uga bad-baadaan dagaallada ka soconaya Yemen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya