4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2015
C/weli Gaas oo ka Tacsiyeeyay Geerida Xaaskii Faroole oo Maanta lagu dilay Gudaha Garoowe


Khamiis, Abriil 09, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa guddi u saaray aaska marwada madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo maanta lagu dilay magaalada Garowe.

Wiilka ay dhashay marxuumada oo lagu magacaabo Cumar C/raxmaan ayaa la sheegay in xabad ay kaga fakatay hooyadiis, lamana helin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan geeridda marwada iyo waxa keenay.

Guddigan la magacaaby oo ay ku jiraan xubno Puntland xilal ka haya ayaa la sheegay inay u diyaar-garoobayaan aaska marxuumad Aamina Abiib oo si weyn looga yaqaanay guud ahaan deegaanada Puntland, gaar ahaan Garowe.

Warar ay HOL heshay ayaa sheegaya in madaxweynahi hore ee Puntland Cabduraxmaan Faroole uu ku soo wajahan-yahay magaalada Garowe si uu uga qayb-galo aaska xaaskiisi hore,waxaana la sheegay in xabsiga la dhigay wiilka dilkeeda ka danbeeyay.

Ugu danbayn,madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas oo ka hadlay dilkan naxdinta leh ayaa tacsi gaar ah u diray madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Cabduruxman Maxamed Sheekh Faroole iyo ehelada marxuumadda.

Hiiraan Online, News Desk