4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2015
Ardayda dhigta Dugsiga Sare ee Hoyga Xamar oo booqday Xarunta Jaamacada Banaadir (Sawirro)


Khamiis, Abriil 09, 2015 (HOL) — Ardayda wax-ka-barata dugsiga sare ee Hoyga Xamar ee magaalada Muqdisho ayaa maanta booqday xarunta Dr. Shahiid ee Jaamacada Banaadir oo ku yaalla deegaanka km-13 ee duleedka Muqdisho.

Booqashada ayaa qayb ka ah soo dhaweyn iyo casuumaad ay Jaamacadda Banaadir u sameyneyso qaar ka mid ah ardayda ka baxaysa iskuullada sare ee gobolka Banaadir sanad-dugsiyeedka 2014/2015.

Xafladdan soo dhaweyn ah oo ardaydan loogu qabtay xarunta Jaamacadda Banaadir ayaa waxaa ka qayb-galay xubno ka tirsan maamulka dugsiga Hoyga Xamar, mas’uuliyiinta iyo hormuudyada Jaamacadda Banaadir iyo xubno kale.

Maamule ku-xigeenka dugsiga Hoyga Xamar, C/qaadir Cabdi Maxamed oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in iskuulkooda uu xiriir joogto ah la leeyahay Jaamacadda Banaadir ayna hadda wax ka bartaan Jaamacadda arday fara badan oo horay uga baxay Hoyga Xamar, wuxuuna ka mahad-celiyey sida isaga iyo ardaydiisa loogu soo dhaweeyey Jaamacadda.

Hormuudka kuliyadda caafimaadka Jaamacada Banaadir, Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ka mid ahaa xubnihii ka hadashay goobta ayaa sheegay inay farxad u tahay soo dhawey-nta ardayda dugsiga Hoyga Xamar, isagoo dhinaca kale ardayda warbixin ka siiyay xiliga la asaasay Jaamacadda iyo marxadihii kala duwanaa ee ay soo martay, qaabka ay wax-barashada uga socoto kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda.

“Jaamacadda Banaadir waxaa asaasay aqoon-yahanno Somali ah sanadkii 2000, markii ay arkeen baahida loo qabo in la helo Jaamacad tayo leh oo wax laga barto. Waxaana lagu billaabay 30-arday iyo guri kiro ah, maantana waxaa wax ka barta arday kumannaan ah, kuwo badanna wey ka qalin-jabiyeen, waxay leedahay Jaamacaddu Campus weyn, isbitaal casri ah iyo maktabad ay buugaag badani yaallaan. Kuliyad walba oo ka mid ah 10-ka kulliyadood ee Jaamacadda waxay leedahay xarun u gaar ah, waxayna dhawaan billowday waxbarashada heerka labaad ee masterka,” ayuu yiri Dr. Biday.

Sidoo kale, waxaa hadlay guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Banaadir ahna hormuudka kulliyada shareecada Islaamka, C/raxmaan Xasan Cumar oo sheegay in xilliga ardaygu uu ka baxo dugsiga sare uu yahay xilliga ugu dhibka badan ee uu kala dooranayo Jaamacadda uu ku biiri lahaa si uu u yeesho mustaqbal wanaagsan.

“Waxaan kulankan u qabannay inaan ardayda ka baxaysa dugsiga Hoyga Xamar macluumaad ka siinno Jaamacadda Banaadir iyo qaabka ay u howl-gasho; taasna waa qayb ka mid ah mustaqbalka ardayda si isagoo qanacsan jaamacadda uu rabo uu ugu biro,” ayuu yiri C/raxmaan Xasan.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Waxaan soo dhaweynayaa ardayda horteenna fadhida ee Hoyga Xamar, waxaana u mahad-celinayaa maamulkooda iyo iyagaba booqashadooda, annagoo u rajeynaya inay dadaalka waxbarasho halkooda kasii wadaan.”

Waxaa kaloo goobta hadallo guubaabo u badan kasoo jeediyay, Dr. Cumar Kulmiye oo ah madaxa Kambaska, Dr. Shahiid ahna ku-xigeenka hormuudka kuliyada Xanaannada Xoolaha, Maxamed Xasan, Hormuudka Kuliyadda Waxbarashada, Inj. C/qaadir Macallin kuliyadda Ingineerinka. Dr. Jamaal Cabdi Cismaan oo ah barre ka tirsan Jaamacadda Banaadir iyo xubno kale.

Ugu dambeyn, waxaa munasabaddaas ka hadlay qaar ka mid ah arday horey uga baxday dugsiga sare ee Hoyga Xamar haatanna heer gebo-gebo ah ay u mareyso Jaamacadda Banaadir oo ay wax ka bartaan, waxayna xuseen inay Jaamacadda ka heleen waxbarasho tayo leh oo dhameystiran, iyagoo ugu baaqay ardayda saaxiibadood ah inay qaataan kuwo la mid ah go’aannadii ay horay u qaateen. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya