4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2015
Iiraan oo sheegtay inaysan ku Niyad-sameyn heshiiska ku saabsan Barnaamijka Nukliyeerka


Khamiis, Abriil 09, 2015 (HOL) — Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan Ayatollahi Ali Khamenei ayaa shaaciyay inuusan kalsooni buuxda ku qabin saxiixa heshiiska kama dambeysta ah ee barnaamijkeeda hubka Nuclear-ka, kaasoo lagu wado in la saxiixo bisha June ee sannadkan.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa isna goor sii horreysay sheegay inaysan Iiraan saxiixi doonin heshiiska haddii aan si dhaqso ah looga qaadin cunno-qabateyntii ay dalalka reer galbeedka ahi horay u saareen.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay Iiraan iyo dalalka quwada leh waxay kala saxiixdeen heshiis hordhac ah oo ku saabsan barnaamijka hubka Nuclear-ka Iiraan, iyadoo tani iyo xilligaas ay madaxda Mareykanka iyo Iiraan dadaal dheer ugu jiraan sidii heshiiskan looga miro-dhalin lahaa.

“Lixda waddan ee quwada leh waxaan ka doonaynaa inay faahfaahin dheeri ah ka bixiyaan heshiiska,” ayuu Khamenei ku yiri war uu soo dhigay bartiisa Internet-ka, isagoo intaas ku daray. “Anigu niyad-sami kuma qabo heshiis lala Mareykanka. Marka aan sidaas leeyahayna waa in Mareykanka ay ka leeyihiin wada-xaajoodkaan dano gaar ahaaneed.”

Sidoo kale, Ayatollah Khamenei ayaa sii adkeeyay hadalkii uu madaxweynaha dalka Iran, Xasan Rouhani uu horay u sheegay ee ku saabsan heshiiska lagu xadididayo Nuclear-ka Iiraan. Isagoo yiri. “Waanu saxiixi doonnaa heshiiska, balse waa in marka hore cuno-qabteynta lagu soo rogay Iiraan laga qaado,” ayuu yiri Khamenei.

Heshiiskii hordhaca ahaa ee ay waddanka Iiraan iyo dalalka awoodda leh ay toddobaadkii hore kala saxiixdeen ayaa waxaa qayb ka ahayd in dalka Iiraan laga qaado cunno-qabteynta iyo inay Iiraan xadiddo hubkeeda.

Dhanka kale, Afhayeenka Aqalka Cad ee dalka Mareykanka, Josh Earnest ayaa u sheegay warbaahinta Isniintii lasoo dhaafay inay Mareykanku uu si aad ah uga shaqeynayo in Iiraan laga qaado cunno-qabateynta saaran.

“Iiraan haddii ay kasoo dhalaasho heshiiska ku saabsan Nuclear-ka, dalalka caalamka ugu quwada weyn waxaa ka go’an in cunno-qabteynta saran laga qaado,” ayuu hadalkiisa ku daray, Earnest.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah xubnaha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa ka walaacsan suuro-galnimada heshiiska Nuclear-ka ee dalka Iiraan, iyadoo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu heshiiskan kasoo hor-jeestay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya