4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2015
Guddoomiyaha Cusub ee Demada Dharkeenleey oo Maanta Xilka la Wareegay (DAAWO SAWIRRADA)


Khamiis, Abriil 09, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha cusub ee todobaadkan loo magacaabay degmada Dharkeyley, Cumar Mayre Macoow ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kaddib xaflad lagu qabtay xarunta degmadaas.

Munaasibadda xil -wareejinta ah ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir, dadweyne iyo xubno kale. Iyadoo ay xafladda ay khudbado kala duwan kasoo jeediyeen mas’uuliyiintii ka qayb-galay.

Guddoomiyihii hore ee Dharkenley, Aadan Maxamed Cumar oo ka hadlay xafladda xil-wareejinta ahayd ayaa xusay in muddadii uu xilka hayay ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo la xiriira hormarinta degmada kuwaas oo ay ka mid yihiin dariseynta iyo is-dhexgalka bulshada, taasoo uu mahad uga celiyay bulshada deegaanka.

“Horumarkii degmada laga sameeyay ma suuro-galeen haddii aanay dadka degmadu gacan ka geysn lahayn. Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee degmada Dharkeyley.

Sidoo kale, guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkenyley, Cumar Meyre Macoow ayaa isaguna dhinaciisa ka mahadceliyay waxqabadkii iyo howlihii uu guddoomiyihii hore ee degmada Dharkeyley, wuxuuna ballan-qaaday inuu meesha kasii wadi doono howlihii lasoo qabtay.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka siyaasadda ee gobalka Banaadir, Max'ed Axmed Diiriye oo xafladda soo xiray ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo guddoomiyihii hore ee degmada iyo shaqada wanaagsan ee uu soo qabtay, isagoo ugu guddoomiyaha cusub ugu baaqay inuu kari iyo huf-naan la yimaado howlahana uu halkooda kasii wado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya