4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2015
Ururka Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo ku baaqay in la xoojiyo dagaalka Argagaxisada


Khamiis, Abriil 09, 2015 (HOL) — Ururka Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada, si loo burburiyo awoodooda.

Baaqan ayaa kusoo beegmaya xilli Al-shabaab ay weerar ku qaaday muddo toddobaad laga joogo Jaamacadd Gaarisa, halkaasoo lagu dilay 148-qof oo u badan ardaydii Jaamacaddaas wax ka baranayay.

Guddoomiyaha guddiga ururka Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa farriin ay u dirtay hoggaamiyeyaasha Kenya ku sheegtay in weerarkii Jaamacadda Gaarisa uu ahaa mid cadownimo ah.

Sidoo kale, Nkosazana ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, iyadoo sheegtay in haddii argagxisada aan la burburin ay dhibaatadu sii socon doonto.  

“Dlamini-Zuma waxay dhowr jeer hoosta ka xariiqday in loo baahan in la cusboonaysiiyo iskaashiga dalalka Afrika ee lagula dagaalamayo kooxaha argagxisada ah, si looga hortago dhibaatooyinkooda,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xarunta Ururka Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Iyadoo sii hadlaysa ayay intaas ku dartay. “Midowga Afrika waxaa ka go’an inay sii wado taageerada gobolka ee looga hor-tagayo argagaxisada si loo xoojiyo ammaanka gobolka oo dhan.”  

Dhanka kale, Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Nabil al-Arabi ayaa isna sheegay inay ka go’an tahay inay shacabka iyo xukuumadda Kenya ay ka caawiyaan sidii ay uga hortegi lahaayeen weerarrada Al-shabaab.

“Waxaan ku baaqaynaa in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada oo caqabad ku ah amniga iyo deggenaashaha Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xarunta Jaamacadda Carabta.

Kenya ayaa waxaa kaga sugan Somalia kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka ururka Midowga Afrika Afrika, waxaa kaloo Somalia ku sugan ciidammo ka socda; waddamada Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Burundi, kuwaasoo dagaal kula jira Al-shabaabta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaariga, iyadoo xustay inay xoojinayso weerarada ay ka geysanayso Kenya, haddii aysan Kenya ciidamadeeda kala bixin dalka Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya