4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2015
Dowladda Imaaraadka Carabta oo Ciidamo gaar ah u Tababaraysa Dowlada Somalia (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 09, 2015 (HOL) — Dowladda isu-tagga Imaaradka Carabta ayaa maanta tababar u qaaday 43-askari oo ka mid ah ciidanka ilaalada madaxtooyada Somalia, kuwaas oo ah dufcadii afaraad ee lagu soo tababarayo dalkaasi Imaaradka Carabta.

Ciidamada maanta loo qaaday Imaaraadka Carabta ayaa waxaa la soo bari doonaa Ilaalinta xafiisyada dowladda, Ilaalinta wufuuda caalamka iyo shaqsiyaadka muhiimka ah; waxaana tababarkan uu socon doonaa muddo saddex bilood ah.

“Dufcadan 4-aad waa tii ugu dambeysay ee lasoo tababarayo habka loo ilaaliyo xafiisyada dowladda ee muhiimka ah iyo mas’uuliyiinta sar-sare; marka loo eego sadexdii dufcadood ee ka horeeyay; waana 210-askari,“ ayuu yiri safiirka Imaaradka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cusmaan Al-xumaadi. 

Sidoo kale; Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta Muqdisho ka qaaday gabar lagu magacaabo, Canad Sheekh Maxamed oo ka mid ahayd dadkii ku dhaawacmay weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama; taasoo haysata dhalashada dalka Canada.

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa ka caawisa dowladda federaalka Somalia dhinacyada tababaridda ciidamada iyo mashaariicda dib u dhiska ee dalka ka socda, gaar ahaan wasaaradaha, isbitaallada iyo saldhigyada ciidamada.

Ugu dambeyn, danjiraha Imaaraadka ee Somalia Maxamed Axmed Cusmaan Al-xumaadi ayaa sheegay inay haatan gacanta ku hayaan dhismaha xarumo booliis sida kuwa degmooyinka Marka, Afgooye, Baydhabo iyo Jowhar kuwaa oo dhawaan lasoo gaba-gabeyn doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya