4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2015
FARMAAJO: Maamul Goboleedyadu yeysan noqon kuwo ka awood badan Dowladda Dhexe


Khamiis, Abriil 09, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka digay in dowladaha dariska ah fara-geliyaan maamul-goboleedyada dalka laga sameynayo, gaar ahaan kan gobollada dhexe ee Mudug iyo Galgaduud.

Farmaajo oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho isagoo ku sugn Mareykanka ayaa sheegay in maamulka gobollada dhexe uu markii hore ku billowday si wanaagsan, isla markaana la rabo in la taageero sida uu ku billowday.

“Ma ahan in dowlado shisheeye ay fara-geliyaan dhismaha maamulkaas, waa in dowladda Somalia lagu taageero sida wax u wadaan. Markii ay kulan gaar ah yeesheen oday-dhaqameedyada waxbay soo saareen, dib u heshiisiin ayay sameeyaan, haddiise dano kale dabada laga riixayo colaad ayay abuuri kartaa,” ayuu yiri RW-hiii hore ee Somalia.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa xusay in wax wanaagsan ay tahay in maamulo la sameeyo dadkuna ay is-maamulaan, balse wuxuu ka digay in federaalka uu noqdo sidii maamullo ka xoog badan dowladda dhexe, isla markaana dano shisheeye fuliya.

“Haddii federaalisim-ka lagu heshiiyo, ma ahan in dowladda dhexe aysan awood lahayn, federaalka waa inuu noqdaa sida kuwa dalalka Mareykanka, Canada iyo Itoobiya oo kale oo ay dowladaha dhexe awoodd leeyihiin. Balse Federal ay dowlado dhisteen haduu yahay oo dano shisheeye oofinya, taas dan uma ahn Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Farmaajo oo intaa raaciyay in loo baahan yahay in ciidammo guud oo Qaranka leeyahay iyo kuwo si gaar ah u leeyihiin maamullada gobollada dalka.

Farmaajo yaa hadalkiisan kusoo beegay xilli uu madaxweynaha Somalia ku dhawaaqay in shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Somalia lagu qaban doono Cadaado, kaddib muran muddo dheer ka taagna goobta lagu qabn doono shirkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya