4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 9 , 2015
Kooxda Ahlusunna oo loogu baaqay inay ka qaybgalaan dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe


Khamiis, Abriil 09, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay ururka Ahlusunna Waljamaaca inay ka qayb-qaataan dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Somalia, wuxuuna ka dalbaday inay qoriga dhigaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in wax walba oo ay tabanayaan laga dhageysan doono, lana soo dhaweeynyo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhismaha maamulkan uu yahay mid dadka oo gobolladaas dega ka dhexeeya.

“Raalli kama nihin mana ogolin colaad dhiig Soomaaliyeed ku dato, kii caasi noqda ee waantoobi waaya in wax loo sheego weeye,” ayuu madaxweyhuhu ku yiri hadal uu jeediyay.

Isagoo sii hadlay ayuu intaas ku daray. “Walaalaha Ahlusuna sheeganaya ee wali qoriga kor u haya… ee maanta xabaddoodu ku jeedin Al-shabaab waxaa leeyahay ka waantoobaa waana idin duceynayaa in Alle idinka ka keeno inaad qoriga dhigtaan. Mana habboona in qori loo qaato qof shalay gacan ku siinayay,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay Ahlusunna in xili xaaladdu adkeyd ay u is-taageen inay dadka bad-baadiyaan cadowga, ayna taas u aqoonsan yihiin, wuxuuna xusay in loo baahan yahay inay kusoo biiraan walaalahooda ku jira maanta dowladda Somalia.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa shalay sheegay in shirka maamulka gobollada dhexe lagu dhisayo uu ka furmi doono Sabtida soo socota Cadaado, sidoo kalena ay xarunta maamulkaas noqon doonto degmada Dhuuso-mareeb.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya