4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 8 , 2015
Ururka Xawaaladihii ay xirtay dowlada Kenya oo Nairobi ku shiray Rajanayana inay Shaqeeyaan


Arbaco, Abriil 08, 2015 (HOL) — Xubno ka socday Xawaaladihii ay Dowladda Kenya ka joojisay shaqooyinka oo maanta ku shiray magaalada Nairobi, ayaa rajo ka muujiyay in dib loo fasaxo xawaaladahooda si ay ugu sii shaqadii ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xasan Nuur (Gar-yare) oo ah xoghayaha guud ee Ururka Shirkadaha Lacagaha xawilo ee Kenya oo ay ku mideysan yihiin in ka badan Boqol shirkadadooda, ayaa Hiiraan Online u sheegay in kulankoodii maanta uu ku saabsanaa qaabkii ay oga tashan lahaayeen xariyadaada lagu soo rogay shirkadaha Lacagaha xawilo ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Masuulkaan oo ka tirsan madaxda Shirkada Xawaalada Dahab-shiil ee Nairobi in sababaha loo xiray shaqadii xawaaladaha ay tahay ayadoo dowladda Kenya ay sheegtay iney adkeyso ammaanka, isla markaasna ay damacsan tahay iney ka war-haayso halka ay tagaan lacagaha la diro iyo in ay gacanta u galaan kooxaha ay dagaalka kula jirto.

Maxamed Xasan, ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay iney dhawaan dib u bilaabi doonaan shaqadoodii. Wuxuuna sheegay in ugu badnaan isbuuc - ay dib ugu soo noqon doonaan xawaaladaha shaqadii ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wararka ay HOL helayso ayaa intaas raacinaya in masuuliyiinta xawaaladahaas la xiray ay qabsadeen Qareen, ayna damacsan yihiin iney cadeeyaan in hanaanka ay ku shaqeynayen uu yahay mid saxan oo aanan ku lug laheyn waxyaabaha lagu eedeeyay.

Dhanka kale magaalo madaxda wadanka isku taga imaaradka Carabta ee Abu-Dhabi oo ah Xarunta ugu weyn ee lacagaha ay marsadaan Xawaaladaha Soomaalida, ayaa masuuliyiinta xawaaladaha ee joogo magaaladaas waxey muujiyeen walaaca ay ka qabaan xayiraada lagu soo rogay xawaaladahoodii magaalada Nairobi.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Kenya, ayaa xalay xirtay 86 Xisaabaad Baananka oo ay ku jiraan 13 Xawaaladood oo ka shaqeyn jiray gudaha Kenya, Ururo, Shirkado Basas, Hoteel iyo Xisaabaad ay ku lahaayeen bangiyada dalka Kenya shaqsiyaad Soomaali ah oo ay ku jiraan Ganacsato iyo Culumo caan ah oo ay kamid yihiin Sheikh Maxamed Cabdi Umal iyo Maxamed Sheikh Cismaan Cigaal.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya