4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 8 , 2015
Bandhig-dhaqameedka Habeenka Dhaqanka iyo Nabadda oo Lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 08, 2015 (HOL) — Bandhig dhaqameed ballaaran oo loogu magac-daray Habeenkii Dhaqanka iyo Nabadda, isla markaana loogu talo-galay kor u qaadida dhaqanka iyo nabadda Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Barnaamij-dhaqameedkan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda wacy-gelinta bulshada ee CCA ayaa waxaa ka qaybgalay in ka badan 400 oo qof oo isugu jiray wasiiro, xildhibaano, duubabka dhaqanka, maamulka gobolka Banaadir, Qurbo-joog, dhallinyaro, ardayda Jaamacadaha iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay barnaamijka, iyadoo intii uu socday bandhiga lagu daawaday cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo ay soo bandhigayeen kooxda Folklore ee hobolada Waaberi.

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Prof.  Maxamed Cilmi Tooxow, Abwaan Barre Sh. Cabdullaahi Bangaladeesh, Qoraa C/casiis xildhibaan, Maareeye ku xigeenka tiyaatarka Qaranka. C/kariim Faarax Jiir ayaa si kala gooni-gooni ah u soo jeediyay mowduucyo ay kaga hadlayeen suugaanta shiribka, beeraleyda, xoolaleyda iyo taariikhda cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka.

Bandhiga oo aad u xiiso badnaa ayaa qayb waxaa ka ahaa tartan aqooneed su’aalo ah oo lagu heleyey abaal-marino kala duwan, iyadoo abaal-marinada lagu helayay tartanka ayaa waxaa ka mid ahaa; kumbuyuutaro, talafishino, Mobiles, DVD Players, saacado, dhar kala duwan, lacago iyo qaar ka mid ah alaabta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Madasha lagu qabanayay bandhig-dhaqameedka ayaa waxaa si aad ah loogu xardhay aqabka dhaqanka iyo boorar ay sawirro iyo hal-ku-dhigyo kala duwan ku qornaayee, iyadoo hal-ku-dhigyada ay ka mid ahaayeen - Aan u Laabanno Dhaqankeena, Is-dilka iyo Is-qarxinta dhaqankeenna ma ahan, dhaqankeennu waa mid nabadeed iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha hay’adda wacyi-gelinta bulshadda ee CCA, Maxamed Cajiib oo ka hadlay bandhiga ayaa sheegay in ujeeddada barnaamijkaan ay u qabteen inay tahay sidii bulshada loo fahnsiin lahaa wuxuu dhaqan yahay, wuxuuna ku boorriyay ka qayb-galayaashii munaasabaddaas inuu qof waliba qaybtiisa ka qaato dhowridda Dhaqanka soomaaliyeed, isagoo balan-qaaday inuu barnaamijyada ceynkan oo kale ah ay hay’adda CCA halkaas kasii wadi doonto.

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi  Fara-cade, guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir, Iimaan Nuur Iikar, guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir, Makaraan iyo guddoomiye ku-xigeenka Ururka Midowga Ardayda Jaamacadaha Soomaaliya, Faadumo Cabdi Cali oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa xusay inay soo dhaweynayaan qabashada bandhiga, iyagoo ka codsaday CCA in halkaas laga sii wado barnaamijyada noocan oo kale ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiir u dowlaha maaliyada, C/llaahi Maxamed Nuur iyo wasiir ku xigeenka maaliyadda, Maxamud Xayir Ibrahim oo soo gunaanaday bandhigaan ayaa sheegay inay si aad ah ugu faraxsan yihiin qabashada bandhigaan, iyagoo tilmaameen inay lagama maarmaan tahay in la is-xasuusiyo dhaqanka ay ummadda Soomaaliyeed leedahay si loogu baraarugsanaado mar walba qiimaha uu leeyahay dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhammaan dadkii ka qayb-galay bandhig-dhaqameedka ayaa waxay si isku mid ah u til-maameen in barnamijkan uu yahay mid dhaxal-gal ah loogana baahan yahay hay’adda CCA joogteyntiisa.

Ugu dambeyn, bandhigan oo ah kii labaad oo ay CCA ku qabato Muqdisho muddo saddex bilood gudaheed ah ayaa wuxuu si aad ah u soo jiitay dadkii ka qayb-galay, iyagoo ku tilmaamay inay xalay ahayd habeenkii guusha dhaqanka Soomaaliyeed.

Haddaba, si aad u hesho macluumaad dheeraad ah ama aad uga qaybgasho barnaamijyada dambe ha kala socdo barta FACEBOOK-ga Hay’adda CCA ee https://www.facebook.com/ccasomalia?ref=hl

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya