4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 8 , 2015
Somaliland oo ka digtay Isticmaalka Garoomadeeda iyo Badaheed illaa Ogolaasho laga Helo


Arbaco, Abriil 08, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa maanta digniin u dirtay xulafada isku bahaystay la dagaalanka Xuutiyiinta dalka Yemen inaanay ogolaasho la’aan isticmaali kartin badeedda iyo garoomadeedda, illaa inta iyaga la soo waydiisanayo.

Wasiirka duulista hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in aanay u ogolaanayn xulafadda weerarka ku haysa Xuutiyiinta Yemen inay isticmalaan garoomadeedda iyo baddeeda illlaa ay ogolaansho ka hesho xukuumadda Somaliland, isla markaana tilmaamay in aanay cid kale waydiisan Karin hawadda iyo badda ay maamusho Somaliland.

“Xulafada dagaalka ku jirta ee Sucuudigu hogaaminayaa ma isticimaali karaan Hawada, Badda, iyo Garoomada Qaranka Somaliland ilaa ogolaasho rasmi ah soo waydiistaan Xukuumadda Somaliland”, ayuu Wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi oo war-saxaafadeed ka soo saaray arrintaasi, waxaanu sheegay cidii amarkaasi u hogaansami wayda inay masuul ka tahay wixii ka yimaadda.

Wasiirka wuxuu mar kale yiri. “Inkastoo mawqifkayga siyaasadeed uu cad yahay, hadana ma isticimaali karaan anngoo aan u ogolaan, waanan uga digaynaa in ay iscimaalaan, fariin cod dheerna waxaanu leenahay wixii cawaaqib xumo ka timaada arintaasi hadii ay dhacdo iyagaa ka masuula”.

Wasiirka oo ka hadlaya qalalaashaha ka taagan Yemen iyo siday u arkaan waxa uu yidhi  “Somaliland werwer badan ayey ka qabtaa waxaa ka socda dalka Yeman, il dheer baanu ku haynaa, beesha caalamkana waxaan ugu baaqaynaa in lays ku dayo in xal loo helo dagaalkaas socda”.

Mar uu ka hadlayay ogolaanshiyaha xukuumadda Soomaaliya bixisay ee ay sheegtay inay Soomaaliya ogoshahay in xuutiyiinta lagaga dagaalami karo dhulkeedda iyo badeedda oo ay Somalialnd ku jirto, waxa  uu yidhi “Dawladda Soomaaliya wixii ay hayso ee ay maamusho ciday doonto  ha ku marti soorto,wax aanay haynin  ninka yidhaa cid baan ku marti soorayaa, dee maha aragti sax ah, waxay carabtu ku maahmaahdaa ninka aan waxba hayn waxba ma bixiyo, garoomada Somaliland hawadeedda, badeeda iyo dhulkeedda in lagaga duulo kooxaha xuutiyiinta ee Yemen ogolaanshaheedda dawladda Muqdihso ma bixin karto” .

Hadalkan ayaa ka dambeeyey markii wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Hadliye uu sheegay inay xulafadda isbahaysiga la dagaalanka Xuutiyiinta Yemen u fasaxeen badda iyo garoomadda Soomaaliya haddii ay doonaan,isla markaana wararku sheegeen in xulafadaasi rabto inay dekadda Berbera iyo garoonkeedda u isticmaasho goobo ay ka weerari karaan xuutiyiinta, taas Somaliland genefka ku dhufatay shuruudna ku xidhay in Somaliland wax lag waydiin karo isticmaalka deegaanadda ay ka taliso.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland